MAXAA SOBOBAY IN MADAXWAYNE SIILAANYO MUUSE BIIXI MARQUDHA U ABAAL GUDI WAAYO(ABAAL WAALA GALAAYE NIN GUDA,LAMA ARKO) FAALO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MAXAA SOBOBAY IN MADAXWAYNE SIILAANYO MUUSE BIIXI MARQUDHA U ABAAL GUDI WAAYO(ABAAL WAALA GALAAYE NIN GUDA,LAMA ARKO) FAALO
May 8, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS)Madaxwaynaha Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo ah nin hada siyaasada kusoo jiray mudo badan, soona maray marxalado kala duwan  kuwaasi oo halaa kuwo uu guulaystay iyo qaar uu guul daraystayba dadka badan kooduna aad ugu hanwaynaayeen intii aan loo dooran sanadii 2010june 26 inuu yahay madaxwaynaha Somaliland kaasi oo uu doonistiisa usoo maray geeddheer iyo geedgaaban caadifadqabiil kabacdise kursigii ku fadhiisay umada Somaliland oo gabi ahaan aad ugu hanwaynayd ayaa mudo gaaban kabacdi dib waxlaysku waydii kuye maxaa muj siilaanyo xagee ka dhacay ?goorma ayuu u gacan galay waadadan manta xagay mareen halgamayashii shalay ,ninkii hadalka jeclaa maba hadlo.

Hadaba marka laga tago tuhunkii beenoobay iyo muj siilaanyo ayaa daryeeli naafada snm, wuxuuna jeexi doonaa wado horumarineed socon wayday

Maxaa keenay in damaca madaxwayne siilaanyo uu sheego wasiir aan qaangaadh ahayn ? shalayba waa kii hadlayee damacisa muxuu u sheegan waayay?maka muuqataan in tartanka shanta danbe ay ku qasbayaan inta ku xeeran  ee og inay maalayaan hal aanayn lahayn

Waxaynu og nahay in siilaanyo kursiga uu kuyimid isbahaysi ay sameeyeen labada beelood ee kala ah habarjeclo iyo habar awal  qaybo kalena oo qabiilada Somaliland ahina ku garab istaageen,

Isbahaysigaa oo keenay hanashada kursiga dalka ugu sareeya in uu ku fadhiisto siilaanyo intii kalena ay ku garab istaagto , waxaana guushaa gadhwadeen ka ahaa muuse bixi iyo odayaal kale oo reerkiisa ah waxay siilanyo lasoo qaateen wakhti adag oo xataa reerkiisu kazoo horjeesteen guushii horena uga lumiyeen. Waxaana kow  ka ahaa saleebaan gaal hada kursigii odayasha ugu sareeyay ku fadhiya, waana indeerkii xiligaa sacad muusana dartii ayay ugu dib jireen

Hadana siilanyo waxaa looga fadhiyay inuu ilaaliyo balamihii siyaasadeed ee u dhaxeeyay isaga iyo muuse biixi siyaasaduna been maaha ee waa run,

Waxaa lasugaa waa hadba sida ay beesha siilaanyo isku qabato in xeeriso axdiga siyaasaded ee beelaha habarjeclo iyo habar,awal waa hadii beesha ogaygu oo lagu yaqaan wada tashi iyo isqabasho aanay baal marin wacadkii uyaalay iyaga iyo sacadmuuse,

Muuse biixi cabdi ayaa mudo ka badan sodon sano siilaanyo rafiiqsiyaasadeed la ahaa mudadaana ka raacay xataa kuwii ay qabiilka wadaagayeen sida marxuum cigaal oo ahaa geesigii madoobaa ee afrika

Guntii iyo gaba gabadii waxaa la eegi doonaa in ay cadaato abaal la,aantii lagu xamay jiray beesha siilanyo iyo in ay taasi beenowdo oo ay isqabtaan xilka uga tanaasulaan muse waliba dhisaan sidiisii, ilaa madaxwayne dalka uga dhigayaan sidiisii,,,

Waxaan  leeyahay hanoqon wacad qabe

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS