|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuulkii Ugu Horeeyay Ee Ku Guulaysta Dalacaadii Ugu Horaysay Ka Dib Intii La Bixiyay Darajooyinka,Gaashaanle Dhexe Faysal kaamil
May 11, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews)mudadii dhanayd afarta sanno ee uu gaashaanle dhexe faysal kamil ciise uu ahaa taliyaha c.i m. jam.somaliland waxa uu si mug marka hore waxaan salaamayaa akhyaarta shabakada wajaalenews waxaa xusid mudan taariikhdana ku qormaysa in aan halkan ku soo bandhigno muwaadinkii ugu horeeyay ee ku guulaysta inuu helo mutaystayna dalacaadii ugu horaysay ee ciidanka qaranka somaliland.taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada jam.somaliland ee dhawaan laga badelay gaashaanle faysal kamil ciise ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee hela dalacaada darajada ciidanka qaranka somaliland. waxaanu helay dalacaad dhan inuu noqdo gaashaanle dhexe .kadib markii uu wareejiyay xilkii uu hore uu ugu igmaday mudane madaxweyne axmed maxamed maxamuud.mudadii dhanayd afarta sanno ee uu gaashaanle dhexe faysal kamil ciise uu ahaa taliyaha c.i m. jam.somaliland waxa uu si mug iyo kartiba leh u gutay xilkaa uu hayay oo aan haba yaraatee wax dhibaata ahi ka hor iman ilaalinta amaanka madaxweynaha iyo madaxtooyadaba . sidaasi daraadeed wuxuu mutaystay inuu noqdo muwaadinkii ugu horeeyay ee ka tirsan ciidanka qaranka somaliland ee hela dalacaadii ugu horaysay ee uu bixiyo madaxweynaha qaranka somaliland.
waxaan hambalyo u diraynaa mudane madaxweyne axmed maxamed maxamuud sida hagarla,aanta ah ee uu ugu dhiiranayahay in qofkii mutaysta shaqo wanaag uu ugu bedelayo dalacaad dhiiri galinaysa inuu qofku dadaalkiisa sii kordhiyo. waxaan leenahay naga gudoon hambalyo iyo bogaadin gaashaanle dhexe faysal kamil ciise waxaananu kuu rajaynaynaa in aad halkaa ka sii wado dadaalka aad ku mutaysatay darajada cusub iyo difaaca dalkaaga hooyo ee jam. somaliland.
yousuf yonis YOUSUFYONIS@OUTLOOK.COM Related posts:“Khilaafka Dalka Ka Jira Laguma Xalin Karo, Cudud, Cunfi Iyo In Aynu Isku Ciil Qabno”Siyaasi Maxamuu... DAAWO;-Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Dhagax Dhigay Xarumo Waxbarasho Oo laga Hirgalinayo Xaafada Cu... Warbaahinta Dalka Ingiriiska Oo Markii Ugu Horreysay Baahisay Sawirka Wiilka Soomaaliga Ah Ee Loo Xi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|