|
|||||
WAJAALE NEWS
Mamulka Puntland Oo Beeniyey In Aan Wax Wada Hadal Ahi Dhex Marin Wasiiro Ka Tirsan Somaliland Intii Uu Ku Sugnaa Madaxwayanaha Puntland Adis Ababa
May 1, 2014 - Written by Editor:Garoowe(wajaalenews)Wasiirka waxbarashada Maamulka Puntland Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa waftigii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas u raacey dalka Itoobiya markii lagu casumey shirkii Tana Forum oo la hadlay warbaahinta gudaha beeniyay in aanu Madaxweyne Gaas wax kulan ah la yeelan Waftigii Wasiiradda ahaa ee ka socday Dawladda Somaliland. Cali Xaaji ayaa sheega in aan wax wada-hadal ahi aanu dhex-marin Xukuumadda Somaliland Wasiiradda ka socday Maamulka Puntland “Wakhtiga la fadhiyo ama shaah la cabayo ama qaxwaha loo fadhiyo waa lays arkayaa waana la isa salaamayaa dad Soomaali ah baa la yahay, mase oggi wax kulan ah oo rasmi ah oo dhexmaray Puntland iyo Soomaaliland.” Ayuu yidhi Cali Xaaji Wasiirka ayaa sheegay in hadii uu dhacayo wada-hadal dhexmaraya Puntland iyo Somaliland uu noqon lahaa wax la isla ogyahay oo laga soo wada-tashaday, waxaanu xusay in aanay shirka u tegin in ay la kulmaan dhinacyo siyaasadeed. Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa mar uu Warbaahinta la hadlay waxay uu sheegay in Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha guddaha Cali Maxamed Waran-cadde ay kulan Itoobiya kula yeesheen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Wajaalenews.net Hargeisa/office Related posts:Xubno Katirsan Golaha Wasiirada Somaliland Oo Kormeer Ku Tagay Beeraha Wax Soo Saarka Ee Gobolka Sar... Madaxdhaqameed Iyo Masuuliyiin Kale Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Shacabka Uu Ka Baxay Sh, Aadansiiro. DAAWO; Xaflad Balaadhan Oo lagu Shaacinayay Musharaxnimada Golaha Wakiilada Ee Sheekh Maxamed Sh.I... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|