Malyuun meherkeedii meheradbuu furay; Qalinkii: Maxamed Cabdinaasir (M kanadi) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Malyuun meherkeedii meheradbuu furay; Qalinkii: Maxamed Cabdinaasir (M kanadi)
May 28, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Inta badan aniga iyo xaaslaydu aad uma wada sheekaysano waayo taydaba maaha nin loo soo dhaashiyey iyo wiil uu sugayo furaashkii uu hiirta saakakaga carary calalo dhawr ah iyo mustihii iyo go’ii aad mooday inuu dagaal sokeeye kula jiro. Waxba hadalku yuu ila durkine ninkaa iyo anigu ma isku jid baanu nahay adaaban ku waydiiyee?

 Gaawadhida dadwaynaha siiba ku rakaabka (Bus) raacidooda waan jecelahay. Markasta oo aan koro waxaa aan ka helaa xogo, qaarkood marka dib aan u eego qosol ayaan maciinsadee se maanta 27 May 2014 waxay ii ahayd maalin aan isku darsaday tiraba laba shay. Waa ta koobaade qoloyinkii aanu is haleeli jirin iyo xogota siyaasada dalka halka ay marayso. Cajiib odeyaashu af macaana oo haddan mid walibana isla saxsanaa waa yeelkadoode aniga waxaa dhegtayda u diiday inaan sheeko odeyaadaa dhagaysto nin aanu saaxiibo ahayn oo indhawaydba ku jiray bishii malabka miyaan idhaa

Horay Soomaali igu maahmaaday arrintan oo kale ‘’Doob dareenbaa dilay’’ miyey ahayd horta. kamana fogi bartaa haddan isku ma haysto duulkaa la sheegayo oo badanaa waan dafiraa.

 Sheekadii ninkaa na dhex martay aad bay laf dhantii u ahaydse anigu markii uu ii bilaabay sheekada macaankeed waxaan tirinay ayaamaha iyo xaalmooyinkii yaraantii aanu is niqiinay, AX kuwa dambe iga daa warkoodu waayo ma dhaafsiisana habeeno iyo Crown Hotel ina gee iyo Safaari Hotel baa ka wacan alla mayee waxaa ka sii wacan oo cawaysku ku qurux badan bartii habeen hore.

 Inta uu ninkani sheekada wado waxabaa sidii film-ka hortayda imanayey, oo adba miyaad barito tii yarayd ee telefoonkaaga ka dul baxday iska daba maqiiqdin iyo ka daa, mid cilmiga diinta barata saaxiibkaagii macadka ka shaqayn jiray iiga soo meheri aad tidhaadi. Markii horeba waan iska ogaa duulkaa (Xaaslayda) la sheekaysoogu inuu yahay irbada i damqin doonta hadhawto se shalay waxbaa ka dhacay.

 Anigu Marnaba ma joogin oo film-ka hortayda imanaya ayaa kolba mid jawaab u raadinayey, odeyaashan iska xiiqsan ee arrimo loo diran kolba dhinacay doonaan ula boodaya warkoodu iga ma dheero oo kolba dhawaaqooda ayaa dhegahayga ku soo dhacay se sheekada wiilkan aanu saaxiibada nahay isha ayaankala socodaa mooyee anigu mar hore ayaa kursiga igu dambaysay se waxaan ku war helay ‘’Malyuun meherkeedii meheradbuu u furay’’ intii aanan heli dulucda sheekada sida idinkuba aad u rabtaa ayaan anna kaga dhaacday meel aan la dhaafi Karin oo in yar ka hore hore loo soo dhaafay…

 

Qalinkii: Maxamed Cabdinaasir (M kanadi)

COMMENTS
LINKS