|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Caydhiyay Agaasimihii Xanaanada Xoolaha, Mid Cusubna U Magacaabay.
May 14, 2014 - Written by Wariye:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2493/052014 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha isla markaana waxa uu Madaxweynuhu wasaaraddaasi u magacaabay Agaasime Cusub. MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL; Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso; 2in; text-align: justify;”> Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan; Wuxuu go’aansaday In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xil-ka Qaadis Ku: Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne), Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Og: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Mudane, Waxa aan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL. Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay. Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL. ALLAA MAHAD LEH Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Related posts:Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Shaaciyey Wakhtiga La Kicinayo Idaacadii Weynayd Ee Radio Hargeysa Oo M... Diwaan Galinta Codbixiyayaasha Oo Maanta Ka Bilaabantay Deegaanada Awdal,Gabiley,Balli Gubadle Iyo S... Natiijada Doorashada Ee Gobolada Togdheer Iyo Maroodi Jeex Iyo Saamaynta Saaxada Siyaasadda Dalka! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|