|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka oo Safarkiisii Maraykanka u baajiyey Khilaafka Dhismaha Golaha dhexe ee Kulmiye.
May 12, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici soodhacay) ayaa ka baaqday Safar uu ku taggi lahaa dalka Maraykanka oo uu kaga qaybgali lahaa Xuska 18-may. Baaqashadan ayaa ka danbeysay ka dib markii khilaaf culusi uu ka Taagan yahay kaa soo maraya halkii ugu adkaa, waxaana la isku haystaa liisaska xubnaha soo galaya golaha dhexe ee Kulmiye. Khilaafka xisbiga kulmiye ayaa circa isku sii shareeray markii guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqay in uu yahay musharaxa jagada Madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye. Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ka dalbaday saylici joogitaankiisa ka dib markii xubnihii hogaanka Kulmiye ee garabkoodu safari ugu baxeen munaasibada 18-may isla markaana uu dareemay in Muuse Biixi fursado ka dhex heli karo maqnaashahooda. Xildhibaan Cabdiraxman Talyanle iyo Xildhibaan Waabeeye oo ka mid ah Xubnaha hogaanka kulmiye ee taageersan madaxweyne Siilaanyo ayaa dalka ka maqan, haaddii Cabdiraxman Saylici oo ah madaxweyne Ku-xigeenka Siilaanyo isla markaana hogaanka Kulmiye ahi meesha ka tago waxa isku soo hadhaya Muuse Biixi iyo Maxmaed Kaahin waxaana u gacan galaya awooda iyo xulida xubnaha golaha dhexe oo marka horeba la isku haystay WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Wasiir Saajin Oo Beeniyay In kulmiye Maxamuud Xaashi Kusoo Daray, Sheegayna In Uu Rajaynayo Inuu Ku ... Fanaanka Da,dayar Ee Farxaan Qaboojiye Oo Kamid Ah Ardayda Ufadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga Ah Oo ... Qaar Kamida Dadwaynaha Ku Nool Hargeysa oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Biyo La’aan Soo Food Saartay, ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|