Madaxweyne Gartaada Qaado ;W/Q: Maxamed Cabdi Kaahin (xuubsiibte) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Gartaada Qaado ;W/Q: Maxamed Cabdi Kaahin (xuubsiibte)
May 31, 2014 - Written by Editor:

Khalad iyo dulmi aad u weyn weeye haddii madaxweyne siilaanyo kula kaco muuse biixi arrinkan imika inagu cusub ee kala jiidashada ah waana arrin ay tahay in xaqa loo hiiliyo, sheekadan waji gabax ah ee caqliga fayoowbi aanu qaadan karin habayaraatee waa waxaan macquul aheyn madaxwenaha wey ka dhulka ayay kaga dhacdey haddii uu si ula kaca usameeyay raali galinna haka bixiyo, abaal badan iyo waxqabad badan ayuu madaxweynuhu sameeyay waanu dadaaley runtii intii nin dadaali karayay waananu u ognahay wanaaga uu qabtey laakin mucjisadan inagu cusubi waa mid hilfaha u laabeysa waxaasoo wanaaga e madaxweynuhu qabtey waa arrin dhaawacaya sharafta qarankan iyo nabadda shacabkaba, waxa jirey ballamo badan iyo heshiisyo oo uu madaxweynuhu la galay muuse biixi mana aha in uu ka baxo heshiisyadii u dhaxeeyay, haddii taariikhda dib aynu ugu yara noqono waxaynu wada ogsoonay sidii muuse biixi ugu halgamay madaxweynaha wakhtigii doorashooyinka isagoo muuse ku qanciyay beeshiisi iney imika raacaan madaxweynaha

markiisana si hagar la’aana u taageeri doono oo hiil iyo hooba leh, markaa maanta madaxweyne waa maalintii aad taageeri leyd muuse biixi maaha maalintaad dhabarka ka jabin laheyd ninka ragga ahna waxa lagu yaqaan ninkii abaal u galay inuu laabta ka ogsoonaado mana diidanin inaad isasoo sharaxdo waananu kugu taagersanay laakiin sifada sharciga ah usoo mar murashaxnimada, markaa intaas laga yimaado anigu shakhsiyan waxaan taageersanahay madaxweynaha laakin kuma taagersani afkaarta qaladka ah ee meel ku dhaca ku ah sharafta qarankan somaliland diinteenuna waxay ina amreysaa ineynu xaqa u hiilino, mana diidanin madaxweynuhu in uu isasoo sharaxo laakin ha u maro habka sharcigu ogolyay hana joojiyo tacadiyada iyo meel kadhaca uu ku hayo muuse biixi iyo taageerayaashisa, gacan bir ahna haku qabto waxii wada amni darro, dalku waa dal nabad ah wanaag iyo dimuqraadiyad ku caan baxay ee yeynaan iska daadin cadowgeenuna waa badanyay ee yaan leynaga faa’ideysan

 

 

COMMENTS
LINKS