Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayg Galay Qado Sharaf Uu Maayarka Caasimada Hargeisa U Sameeyey Hogaankii Dib Loo Doortay Ee Xisbiga Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayg Galay Qado Sharaf Uu Maayarka Caasimada Hargeisa U Sameeyey Hogaankii Dib Loo Doortay Ee Xisbiga Kulmiye
May 1, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(HNA)Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad kooban oo qada sharaf ahayd taasi oo uu Maayirka Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ku maamuusay Hogaankii dhawaan loo doortay Xisbiga KULMIYE.

Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxaa uu ugu horayn u mahad celiyey Maayirka Caasimada Hargeysa iyo Golihiisa deegaanka ee ku marti sooray munaasibadan qada sharafta ah,waxaana uu sida oo kale uu mahad celin balaadhan u diray gabi ahaanba taageerayaasha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE,isaga oo sida oo kalena balan qaaday in ay ka hogaan ahaan ay ka shaqayn doonaan isku duubnaanta shacbiga reer somaliland

“Salaan ka dib waxaan  marka hore ilaahaybaa mahadleh halkan isagu keen keenay inaga oo nabad,waxaan mar labaad u mahad naqayaa gudoomiyaha golaha deegaanka dagmada hargeysa ee caasimada Somaliland Cabdiraxmaan iyo golahiisa deegaanka mati qaadka sharafta badan ee ay nagu maamuseen hadaanu nahay hogaankii cusbaa ee KULMIYE doortay aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa gudoomiyaha iyo saaxiibadiisa lagu maamuusay ,waxaan kale  oo aan aad ugu mahad naqayaa dhamaanba marti sharafta halkan ka soo qayb gashay aad baan ugu mahad naqayaa,waxaanan leeyahay taageerayaashii reer kulmiye ee noo codeeyey iyo intii aan noo codaynba waa dimuqraadiyad weeyaan”Ayuu yidhi Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland

 

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

COMMENTS
LINKS