Madasha Wada Tashiga Iyo Labada Xisbi Mucaarada Oo Xukuumada Ku Edeeyey In Ay Saxaafadiina Afka Ka Xidhay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madasha Wada Tashiga Iyo Labada Xisbi Mucaarada Oo Xukuumada Ku Edeeyey In Ay Saxaafadiina Afka Ka Xidhay.
May 4, 2014 - Written by Wariye:

madashaHargaysa(Wajaale News):-Mucaarad Iyo Madasha Wadatashiga Ayaa Maanta Shirjaraa’id Oo Ay Si Wada Jira Ah Ugu Qabteen Magaalada Hargaysa Kaga Hadlay Tacadiga Joogtada Ah Ee Xukuumada Somaliland Ku Hayso Xoriyadii Saxaafada.
    

Waxa Ay Shegeen In Xukuumada Kulmiye Ay ilawday Halgankii Dheeraa Ee Loo Soo Maray Xoriyada Dalka,Isla Markaas Shacabka Iyo Saxaafada Afka Ka Xidhay.

Waxa Ay Sidaasi Ku Shegeen Shirjaraa’id Oo Ay Saaka Ku Qabteen Magaalada Hargaysa Markii Ay Maxkamadu Mudaysay dhagaysiga Dacwada Wargayska  Haatuf.

Ugu Horen Waxa Halkaasi Ka Hadlay Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Ahn  Masuul Ka Mid Ah Madasha Wada Tashiga Eng: MaxamedXaashi Cilmi Waxaana Uu Yidhi

justify;”> “Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Waxa Ay Usoo Baxday Ee Kalifay In Ay Samaysanto Waxa Ay Ahayd Dawlada Ayaa Wixii Ay Qabatay La Waayey Mucaaradkii Ayaa Qaban Waayey Baarlamankii Ayaa Isna Qaban Waayey Sharci Oo Dhan Ayey Jiidheen Kolkaas Ayaanu Isku Uruursanay Oo Aynu Nidhi Maxaa Aynu Yeelnaa Maanta Dalka Baa’baye Oo Aynu Waliba Ka Hadalno Xaalada Maanta Taagan Waliba Xukuumadu Arinkaas Way Dhibsatay Wada Tashigu Waxa Xun Maaha Toosintuna Waa Waxa Iyana Fiican Runtii Maa Ay Ahayn Markaas Waxa Meesha Ka Muuqatay Inaanay Xukuumada Maanta Jirtaa Doonayey Wada Tashi Ee Ay Doonayso In Ay Dalka Burburiso.

Waxa Uu Sheegay Dalkii Loo Soo Hal-Gamay Iyo Dadkii Dalka Usoo Dhintayba Waxa Uu Go’aankoodu Ahaa In Ay Xukuumada Maanta Jirtaa Ay Dul-Martay Waxaana Uu Yidhi”Dumarkii Asayd U Qaaday Dadkii U Dhintay Maanta Waxa Ay Dalkii Ka Taagan Yihiin Waad La Socotaan Waxaan Leeyahay Somaliland Maanta Meel Halis Ah Ayey Maraysaa Waad La Socotaanoo Wasaaradii Ugu Dakhliga Badan Waa Ta Macdanta Iyo Tamarta Wixii Kasoo Baxana Waxa Qaybsada Madaxtooyada Iyo Wasaarada Waxaan U Arkaa Maanta Dalkii Somaliland Inuu Kasii Daro Mooyaane Inaanu Kasoo Raynayey.

Dhinac Kale Waxa Inaa Halkaasi Ka Hadlay Cabdirashiid Riyo Raac Oo Ka Mid Ah Masuulyiinta Sarsare Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Waxaanu Sheegay In Ay Waraaq U Gudbiyeen Madaxwaynaha Somaliland Waxaana Uu Yidhi”

“Waxaanu Warqad Talo-Bixina U Gudbinay Madaxweynaha Somaliland, Waxaana Warqadaas Saxeexay 328-Qof, Oo Waxa Warqadan Qorey Ururada Xusuuqal Iinsaanka,Ururka Qareenada, Ururada Bulshada Rayidka Ah, Labada Xisbi Mucaarid (UCID Iyo WADDANI), Madasha Wada-Tashiga, Xubno Ka Tirsan Golaha Wakiillada,Xubno Ka Socday Golaha Guurtida Iyo Aqoonyahano Madax-Banaan,Ururka SOLJA.Markaa Waa Waraaq Lagu Dhan Yahay Oo Dhameystiran Ayaan Madaxweynaha U Gudbinay,Waana Nalaga Qabtay Waraaqdii Oo Waxaanu Ku Wareejinay Xafiiska Uu Fadhiyo Axmed Jaamac,Waxaana Na Loo Balan-Qaaday In Galabta Madaxweynaha Loo Gudbin Doono”

Mar Uu Eng. Cabdirashiid Ka Hadlayey Waxa Ay Tahay Waraaqadan Ay U Gudbiyeen Madaxweynaha Waxa Uu Yidhi”Waxaanay Waraaqdani Ka Hadlaysa Xorriyada Saxaafadda Iyo Madax-Banaanida Somaliland, In Wixii Waxyeelaya Laga Ilaaliyo,”
 

Mawliid Faarax Muuse Oo Ka Socday Ururada Xuquuqal Iinsaanka Oo Isna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Waxa Uu Yidhi “Waraaqdayada Waxaan Ku Soo Gunaanadnay Tallo Soo Jeedin Ah In Wargeyskii HAATUF Iyo HUBAAL Iyo Somaliland Times Sia Ugu Dhakhsaha Baddan Laga Qaado Xayiraada,Waxa Kale Oo Aanu Madaxweynaha U Soo Jeedinay Inay Xukuumaddu Joojiso, Ficilada Kale Ee Waxyeelaynaya Madax-Banaanida Saxaafadda”

Sidoo Kale Waxa Isn Shirkaas Jaraa’id Ee Ay Qabteen Ka Hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Waxaana Uu Yidhi”Runtii Anigu Ma Qabo In Ay Xidhan Tahay Haatuf Iyo Hubaal Oo Kaliyi Lakiin Anigu Waxaan Qabaa In Ay Saxaafadii Somaliland Oo Dhami Ay Xidhan Tahay,Xukuumada Uu Maanta Hogaaminayo Madaxwaynah Somaliland Sifadii Ay Dalka Ku Timid Way Garan Wayde,Maata Waxaad Ogtihiin In Ciidanka Somaliland Amar Uu Bixiyey Madaxwaynaha Somaliya Ay Kaga Soo Baxeen Magaalada Taleex Waa Nasiib  Daro Ayaan Leeyaha Dalka Madaamo Uu Jiray 24sannadood Oo Doorshooyin Badani Dalka Ka Dhaceen,Markaas Qadiyada Somaliland Ee Madaxbanaani Gorgortan Gali Mayso Waxaan Madaxwaynaha Somaliland Usoo Jeedin Lahaa Intaad Saxaagada Somaliland Ku Mashquulaysiin Cadawga Hareerihiin Taagan Ayaa Idiinka Baahan Xasan Sheekh Maxamuudna Haloo Jawaabo,Ma Dalka Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Xukuma Mise Madaxwayne Siilaanyo,Sidii Amar Ubixin Karaa Siduu U Odhan  Karaa Taleex Halaga Soo Baxo Waa Waxa Meel Ka Dhac Ku Ah Shacabka Reer Somaliland Waxaan Shacabka Ugu Baaqayaa In Ay Arintaas Ka Dhiidhiyaan.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS