|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada duulista oo Ka Warbixiyay Sida Loola Tacaali Karo Haddii Uu Dab ka Dhasho Madaarka+Sawiro.
May 10, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):- Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen Agasimaha Guud Cumar Cabdilaahi Adan iyo Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa kormeeray qaybta dabdamiska ee Madaarka Hargeysa. soo kordhayey ee ka xidhiidha dabka, maadaama aanu wasaarad ahaan leenahay qayb dab damis ah, oo aanu is leenahay dabka iyo sida loo bakhtiiyo khibrad iyo aqoon dheeraad ah ayaad u leedihiin, dab damisku waa mid muhiim ah inay magaalo waliba yeelato, xukuumadanina waxyaabaha ay soo kordhisay waxa ka mida in la sameeyo Hay’ad u gaara oo Wasaarada arimaha Gudaha hoos tagta, gaar ahaan ciidanka booliska, anaguna waxaanu wadnaa inaanu sare u qaadno qaybta dabdamiska ee Madaaradda gaadiid cusub ayaa noo imanaya, shaqaalaha tababaro ayaanu u wadnaa.” “ qodob kale oo muhiim ah ayaa waxa uu yahay in marka dab la arko inaanu jaahwareen dadka ku dhicin ee waa inay la xidhiidhaa waaxaha dabdamiska , waana inay numbaradooda haysaan oo sidoo kalena ay Booliska la xidhiidhaan, ciidanka boolisku isaga ayaa waaxaha kale ee ku shaqao leh la xidhiidhaya, anaga gaadiidkayaga dabdamiska waxa uu ku dhaqaaqaa xidhiidha booliska ama waaxaha kale ee dabdamiska, anagu waxa aanu samaynay shaqaale heegan ah oo aan habeenkii raxaxin.” Wasiirka Duulista ayaa sidoo kaleba baaq u diray dadka gaadiidlayda ah waxaanu yidhi “ Waxa kale oo aan dadweynaha gaadiidka wata kula talinayaa in marka uu dab kaco ee gaadiidka dab damisku ay goobta ku soo socdaan ee sawaxankooda la maqlo in wadooyinka loo baneeyo oo gaadiidku ay dhinac ugu baydhaan, gaadiidlayda waa inay u baneeyaan gaadiidka booliska, dabdabiska iyo gaadhiga ..ka, ugu dambayntii waxaa dhacda in dadweynaha goobta uu dabku ka kacay qaar ka mid ahi ay shiidaan dab damiska ama ay gacan saaraan shaqaalahaas daba iyo khatarta u soo badheedhay, iaygoo ku canaanaya wax aanay ku shaqo lahayn, dabku Qadar ALLE ayuu ku kacay, waar ALLE ha laga cabsado oo dadkaas dabdamiskana hala gacansiiyo, arintaasi anaga gaadiidkayaga dabdamiska ayey ku dhacday Burco iyo Hargeysa way nagaga dhacday gaadhigaas dabdamiska ah ee madaarku leeyahay muraayada hore ayaa laga jabiyey iyagoo dab bakhtiinaya, waxana ALLE ka baryayaa inuu dhibaatda dabka inaga badbaadiyo.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi. Wajaale News Related posts:DAAWO: “ Hada Anaga Reer Booramoow Waxaa Na Wareeriyay Puntland Iyo Somaliland Idinkuna Waxaad Is W... DAAWO; Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Sool Oo Xilkii La Wareegay Iyo Weedhihii Laga Jeediyay Madasha! Sucuudiga Oo Markii Ugu Horraysay Ku Guulaysatay In Ay Kursi ku Yeelato Golaha Ammaanka Qaramada Mid... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|