|
|||||
WAJAALE NEWS
Macalin Udhashay Dalka Kenya Oo Xalay Lagu Toogtay Magaalada Galkacyo.
May 8, 2014 - Written by Wariye:
Waxaa xalay Magaalada galkacyo lagu dilay Macallin wax ka dhigayay Machad lagu Magacabo Vision International College oo ku yaala waqooyiga Magaalada. Keneth Mwanga oo 50 jir kenya u dhashay ah oo Macallin ahaa ayaa la toogtay abaara 8:00 fiidnimo, xilli uu ka soo baxayay duruus uu ka bixinayay Dugsiga uu ka shaqeynayay. Gudoomiye ku xigeenka Degamada Gaalkacyo, Yacquub Maxamed Cabdalla, ayaa VOAda u sheegay in macalinkan lagu dilay Machadka hortiisa. Wuxuu sheegay in gacan ku dhiiglayaashii dilka geystay ay baxsadeen, hasa yeeshee boolisku ay ku daba jiraan. Macallinkan oo laga keenay Dalka kenya ayaa Puntland tagay bishii September sannadkii 2013-kii xiligaaso Machadka uu wax ka dhigayay laga furay Gaalkacyo. Lama oga sababta ka dambeysa dilka macalinkan Kenyanka ah. Deeganada Puntland iyo Somali land ayaa waxaa 10kii sanadood ee u dambeeyay ku soo badanayay Macallimiin Kenyan ah oo wax ka dhiga Dugsiyada iyo Jamacadaha iyo kuwo la shaqeeya hay’adaha gargaarka. Horaantii bishii April ee la soo dhaafay ayaa garoonka magaalada Galkacyo waxaa nin hubeysan uu ku dilay laba nin oo u dhashay dalalka Britian iyo France oo u shaqeeynayay Qaramada Midoobay. Wajaale News Related posts:Isbahaysi Siyaasadeed Oo Ka Bilowday Somaliya Iyo Saamaynta Lafilayo In Ay Ku Yeelanto Doorashada So... Reer Gabilayow....Aamina Waris Inan Bay inoo Tahaye Hala Daayo fadeexada Iyo Eedeynta Musuq Maasuqa ... “SOMALILAND ANIGA WEY IGA WEYN-TAHAY, ADIGANA WEY KA WEYN-TAHAY : WASIIRKA CUSUB GASHAANDHIGA . COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|