Maamulaha Madaarka Caasimada Hargeysa Oo Sheegay Inay Bilaabmayaan Duulimaadyada Wakhtiga Xagaaga Iyo Diyaarada Ethiopian Airline Oo Furtay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulaha Madaarka Caasimada Hargeysa Oo Sheegay Inay Bilaabmayaan Duulimaadyada Wakhtiga Xagaaga Iyo Diyaarada Ethiopian Airline Oo Furtay.
May 23, 2014 - Written by Wariye:

maamulka airHargeysa(Wajaale News):-Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa shaaciyey inay si rasmiya Madaarkaasi ugu bilaabmeen duulimaadyada wakhtiga Xagaaga.

Maamulaha Cigaal Airport ayaa sidoo kalena sheegay in shirkada Ethiopia Airlines ay noqotay shirkadii ugu horaysay ee si rasimya u bilowda duulimaadyadaasi isla markaana maanta ay Madaarka soo caga dhigatay Diyaarad weyn nooceedu yahay Boeing 737-700, oo qaadaysa 138 qof, taas oo aan hore madaarka u iman jirin.

Maamule Maxamed Yuusuf ayaa waxa uu arimahaasi kaga hadlay mar uu maanta qaar ka mida saxaafadda kula hadlay xarunta Madaarka waxaanu yidhi “ maanta waxa halkan si rasmiya ugu bilaabmay duulimaadyada Wakhtiga Xagaaga, waxana maanta nasiib u yeelatay

inay noqoto diyaaradii ugu horaysay ee dalka timaada wakhtiga xagaga Diyaarad nooceedu yahay Boeing 737-700, oo qaadaysa 138 qof taas oo ay leedahay shirkada Ethiopia Airlines, waxana aanu dadweynaha  reer Somaliland iyo dadyowga kale ee dalka ku soo socda ugu bushaaraynaynaa in madaarka Cigaal u diyaar u yahay u adeegooda, soo dhawayntooda, iyo raali galintooda.”

Maxamed Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in diyaaradani weyn ee maanta madaarka timid ay fariin u tahay dad hore madaarka dacaadad ugu fidiyey waxanu yidhi “ waxa kale oo aan doonayaa inaan dadweynaha halkan ugu cadeeyo in diyaaradan Boeing 737-700, ee maanta madaarka ka soo degtay inay fariid cad u tahay dadkii hore u odhan jiray Ethiopia Airlines waxay dadka ugu tagtay tayo xumo Dhabada Dayuuradaha madaarka ah, maanta midaasi waa mid beenowday, hore ayaa loo yidhi beentu lug kaliya ayey leedahay, oo mala lug labaad oo la qabto, maanta diyaaradani waxay marag ma doon u tahay, in  anaga oo aan dhamays tiran oo uu wali socdo kordhintii Run-wayga Madaarku in diyaarada Boeing 737-700 ay madaarka ka soo degto, waxaan leeyahay ishii bugtaay ku bikaacso.”

Maamulaha Madaarka Caasimada ayaa sidoo kalena sheegay in bilaha soo socda ay madaarka duulimaadyo ka bilaabi doonaa shirkado caalamiya waxanu yidhi “ Madaarka Cigaal International Airport, wuxuu soo dhawaynaynaa dhamaan shirkada dayuuradaha, iyo mid kasta oo duulimaad ka bilaabaysa hadii ay yihiin kuwa madaniga ah iyo kuwa Caalamiga ahba, waxa dhawaan duulimaayadooda bilaabi doonaa Flay Dubai, Turkish Airways, Kenyan Airways, adeega aanu u fidin doonaa wuxuu noqon doonaa mid huran.” Ayuu yidhi Maamule Maxamed Yuusuf.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS