Loolan Adag Oo Ka Dhex Taagan Gudaha Magaalada Buuhoodle Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Puntland Oo Kusoo Fool Leh Magaaladaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Loolan Adag Oo Ka Dhex Taagan Gudaha Magaalada Buuhoodle Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Maamulka Puntland Oo Kusoo Fool Leh Magaaladaasi
May 5, 2014 - Written by Editor:

Buuoodle(Wajaalenews)Wararka Naga Soo Gaadhaya Magaalada Buuhoodle Ayaa Sheegaya In Loolan Adagi Ka Bilaabmay Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Degaankaasi Oo Kala Taageersan ,Somaliland,Buntland,Iyo

Kaatumo,Halkaas Oo Saaka Uu Ku Waabariistay,Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jsl Saleebaan Ciise Axmed Xaglo (Toosiye) Kaas Oo Watay Gaadiid Iyo Odayaal Uu Dhinaca Hargaysa Ka Sii Kaxaystay Iyo

Waliba Gaadhi Anplace Ah Oo Uu Ugu Talo Galay Dhakhtarka Magaaladaasi Oo Uu Isagu Dhisay,Intaanu Wasiir Xaglo Toosiye Magaalada Galin Oo Uu Kusii Nastay Degaanka Dandan Oo Wax Yar U Jirta

Magaalada Buuhoodle Ayaa Waxa Magaalada Laga Dereemayay Abaabul Halkaas Oo U Ku Sugnaa Cali Khaliif Galaydh Oo Magaalada Shirar Kula Lahaa Dadka Taageersan Kooxda Uu Hor Joogaha Ka Yahay

Khaatumo,Sidoo Kale Wararkii Ugu Dabneeyay Ee  Magaalada Buugoodle Ayaa Sheegaya Inuu Isna Magaaladaasi Kusoo Fool Leeyahay Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland C/Xakiin C/Laahi

X.Cumar,Halkaasoo La Filiyo Isna Inuu Isna Xiliyada Soo Socda Soo Gaadho Magaaladaasi Iyadoo Dhinaciisana La Sheegayo In Soo Dhawayn Loo Diyaarinayo Madaxwayne Ku Xigeenka Buntland

,Waxaanay Wararka Intaasi Ku Darayaan In Ay Haatan Magaaladu Degantahay Marka Laga Reebo Shirar Ka Socda Oo Ay Dhinacyada Isku Hayaa Lakala Leeyihiin Odayaash Iyo Waxgaradka Kala Taageersan.

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaa La Filayaa In Marka Sadexda Siyaasi Ee Ka Tirsan Degaankaasi Ay Isugu Yimaadaan Magaalada Buuhoodle Inay Ku Kala Adkaan Siyaasadaha Kala Fof Ee Ay Kala Sitaan.

 

 

Wajaalenews.Net

Hargeoisa/Office

COMMENTS
LINKS