Labada Fanaan Ee Jawaan Iyo Sooraan Oo Noqday Shaqaale Dad Dadban Oo Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Labada Fanaan Ee Jawaan Iyo Sooraan Oo Noqday Shaqaale Dad Dadban Oo Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo
May 24, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa-(Wajaalenews)-labada fanaan ee Jawaan iyo Sooraan oo ah Majaajileystaal reer Burco ah isla markaana guud ahaan bulshada Somaliland ay jeclaysteen sida ay wax u jilaan isla markaana aad loo xiisayn jiray riwaayadaha ay soo matalaan, ayaa in dhawaale ahba ay hoos u dhacday sharaftoodii iyo karaamadii ay bulshada ku dhex lahaayeen, ka dib markii ay ka soo mudh baxday Qabyaalad iyo olole dadban oo ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ugu ololaynayaan reer ahaan.

Inta badan Dadka Fanka ku jira ayaa lagu yaqaan kuwo dadka u adeega islamarkaana mar walba ka hadla wixii run ah ee jira laakiin Labadan Majaajileyste ayaa waxay noqdeen Fanaaniin reereed ka dib markii ay xukuumada madaxweyne Siilaanyo si toos ah ugu ololeeyeen ummadana u tuseen mid wax walba qabatay oo bulshadu Haakah tidhi, iyadoo la ogyahay inay jiraan waxyaabo badan oo u baahan in shacabka laga Wacyigaliyo sida Tahriibta, Sixirbararka iyo Biyo la’aanta, ayaa waxay bulshadana la soo hor yimaadeen riwaayado Guulwadayntii Siyaasiyyinta lagu yaqaanay oo kale ah, taas oo loogu abaal guday in Lacag la siisto sharaftoodii iyo karaamadoodii.

Arintii ugu dambeysa ayaa ahayd Iyadoo ay  xukuumadu  dhaqaale badan ku bixisay inay mar uun si sharci daro ah loo galiyo Qurbaha labadan Fanaan.

Dhoofinta iyo Tahriibinta dad hayb ahaan  loogu dhoofinayo hantidii ummada aya ah Arin ay ka dambeeyaan xubno xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku jira oo ay Madaxweynaha isku beel yihiin isla markaana ay Qabyaaladu Madax martay ayaa waxay noqonaysaa fadeexadaha qabyaalada huwan ee ay ku dhaqaaqday xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo ay jiraan dad badan oo reer ahaan loogu dhoofiyay, iyadoo  hantidii ummada lagu Tahriibinayo sida Jawaan Iyo Sooraan

COMMENTS
LINKS