|
|||||
WAJAALE NEWS
Laba Nin Oo ilma adeer Ahi, Shaanbad Ay Iskugu Mudo Kordhiyaan, Oo Waliba Raq Ahi, Dalkani Maqaadi Karo, Mujaahid Xasan Guure
May 19, 2014 - Written by Editor:Laba Nin Oo Isku Inaadeer Ahi, Shaanbad Ay Iskugu Mudo Kordhiyaan, Oo Waliba Raq Ahi, Dalkani Maqaadi Karo, Cidna Kuma Xukumi Karaan Siilaanyo Iyo Saleebaan.Mujaahid Xasan Guure.Hargaysa(Wajaalenews)Guddoomiyaha Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac Ayaa Ka Hadlay Mudo Kordhinta Ay Wadaan Golaha Guurtida Somaliland. Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa sheegay in somaliland aanay qaadi Karin muddo kordhin loo sameeyo maamulka somaliland. Waxa Uu Ka Dayriyay Caafimaadka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Iyo Madaxwayne Siilaanyaba Inaanu Ahayn Mid Ay Dal Iyo Umada Ku Hagi Karaan,Waxaana Uu Ka Digay Inaanu Si Qabyaaladaysan Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Ugu Xagliyo Madaxwayne Siilaanyo. Sidoo Kale Waxa Uu Carabaabay Khudbadii Uu Madaxwaynaha Somaliland Shalay U Jeediyay Shacabka Reer Somaliland uu ku tilmaamay mid aan dhabada ka duwayn,hadafka iyo himilada shacabka reer somaliland ay hiigsanayaa.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta warbaahinta lahadlayay waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.
“Umalayn Maayo inuu madaxwayne siilaanyo Yahay musharax,musharaxana waxa lagu qiimeeyaa intii uu xilka soo hayay,haduu madaxwayne cusub yahay waa caadi,shalayna waynu ogaynoo wuu inoo gabaday,Xilka imika Hayo Madaxwayne Siilaanyo waxa uu galay Sanadkii 4 waxa uu qabtayna waa faro ku tiris,somalida ayaa waxa ay tidhaa gabadh jin hayaa in lawada qabo ayay moodaaye, Madaxwayne hortu madaxtooyadaada soo nadiif,waxaan leeyahay madaxwayne sida ay nolashaadu hada isku badashay ayaa dadka kale malaa moodaysaa waxa kuu hadhay uun maxay keega u cuni wayeen,anigu markaas waxaan odhan lahaa madaxwayne maad samayn waxa lagugu doort ee waxaad samayse wax lagugu xukumo. Markii uu madaxwayne siilaanyo talada dalka qabtay waxa uu yidhi waxaan la dagaalamayaa musuq-maasuqa qoladii hore ayaa uu baadhay sida qoraalka aanu ku helnayna waxa uu sheegay in ay Todobaatan milyan oo dollar ay ku heleen, waxa uu yidhi iska daaya markaas halkaas waxa ka muuqata adna intaad doonto iska cun waxaad doontu baabii hantida shacabkana ku tarki fal. Guddoomiyaha Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Intaasi Ku Daray”hadii uu maanta madaxwayne siilaanyo ku hadlayo caqli iyo garaad wanaagsan iskumuu soo tageen, waxaan Xasuustaa Maanso Hadraawi tiriyay oo odhanaysa,Ganbo Ninaan Lasoo Bixin Hadii Guulo Lagu Waalo,Wixii Uu Dhaawac Gaystana Hadii Loo Gargartiyo, Isaga Oo Canaan Lagu Gudbinaayo Gaarna Filanaayo,Gilba Iyo Hadii Gacmo Furan Loogu Gogol Xaadho,Kaligii Inuu Guurti Yahay taas hadaanay ahayn halaga daayo madaxwaynaha somaliland been abuurka iyo waji ku macaashka,waxaana leeyahay madaxwayne meel aad isku soo sharaxdo kuuma taalo. Dhinac kale waxa uu sheegay Mujaahid Xasan Guure Jaamac muda kordhinta la hadal hayo ee loo kordhinayo madaxwayne siilaanyo in tahay mid baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka uyaal waxaana uu yidhi”Waxaan maqlayaa inuu madaxwaynaha somaliland loo kordhinayo 2sannadood,golaha wakiilada waxa ka dhacay wakhtigii,golaha guurtida Iyana sidoo kale haduu isna maanta ka dhacdo Madaxwayne Siilaanyo,cid u jadiidinaysa waa kuma,waxa uu kolay isku halaynayaa guddoomiyaha golaha guurtida ana waxaan leeyaha saleebaan dhaqanka wuu yaqaan,shaanbada ay lab nin oo inadeer ah oo labaduba raq-yihiin shaanbad ay iskugu dhufteen anagu aqbali mayno cid lagu dhaqayana anigu garan maayo,waxaan leeyahay dalku maanta waxa uu ubaahan yahay dhalinyaro fir-fircoon laba nin oo raq ahina naxukumi maayaan anaga,meeshuna waadh maaha odayaasha raqda ah lagu xanaaneeyo. waxa uu sidoo kale ka warmay caafimaadka madaxwaynaha somaliland iyo guddoomiyaha golaha guurtida xaaladooda waxaana uu yidhi”Saleebaan bil wadanka majoogi karo oo waynu ognahay oo caafimaadkiisa Ayaan bil joojinayn,kolay anigu saleebaan waan arkoo maskaxdiisu way fiicantahay,lakiin jidhkiisu ma qaadi karayo waxa hubaal ah dhaqan baynu leenahay laba nin oo isku inadeer ahina dalka maxukumi karaan,sidaad la socotaan hay’adaheenii aynu dooranay sidaad la socotaan marka ay dhacaan waxa aynu ka koobanahay qabaa’il mana jiraan xisbiyo,shuruucdii uu dhigtay xisbiga kulmiye dhamaan waxba kama jiraan sidii kii dalka loogu tuntay ayaa isna lagu baabiiyay. Dhinac kale waxa uu ka hadlay xuska maalinta qaran ee 18ka may waxa ay uga dhigan tahay mujaahidiintii SNM waxaana uu yidhi” “Waxaana hortu leeyahay umada reer somaliland meelkasta oo ay joogaan hambalyo 23guuradii kasoo wareegtay Aas-Aaskii jamuuriyada somaliland,anaga xus gaar ah ayay nooleedahay maalintani hadaanu nahay SNM,waxaana weeyaan tacab kayagii,waxaanu usoo halganay waxa ay ahayd inkasta oo hadana waxbadani dhiman yihiin,bishii 1991ki burco laga dhawaaqay ayuunbay maanta taagan tahay,kolay somaliland way dhisan tay taasna waa gaadhsiiyay shacabka lakiin dawladu himilooyinkii SNM iyo waxa ay usocdeen runtii may wada dhamayn,waxa ay u dagaalameen Jabhadii SNM waxa ay ahayd inaanay dalka marlabaad ka dhicin wixii ay somaliya dalka ku samayse lakiin nasiidaro tiiba wax ka daran tan maanta xukunka dalka haysa.
Gaba-Gabadii waxa uu ka hadlay Khudbadii madaxwaynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo ujeediyay shacabka reer somaliland ee xuska 18ka may taas oo ku tilmaamay hadalka kasoo yeedhay madaxwaynaha inaanu waxba ka badalayn waxaan uu dhaliilay siyaasada arrimaha gudaha somaliland oo ku tilmaamay mid gabi dhaclaynaysa,waxaana uu xukuumada usoo jeediyay in garan istaagto siyaasada arrimaha dibada si looga midha dhaliyo go’aanka shacabka reer somaliland
XIGASHO HADHWANAAGNEWS COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|