La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Haweenka Oo Shaaca Ka Qaaday In La Isku Dayay In Laga Saaro Shirkii Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Haweenka Oo Shaaca Ka Qaaday In La Isku Dayay In Laga Saaro Shirkii Kulmiye
May 1, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)La-Taliyaha Arrimaha Haweenka Ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Amaal X. Axmed Missaan, Ayaa Sheegtay Inay Maqashay Isku Day La Doonayay In Lagaga Saaro Shirweynaha Xisbiga Taladda Haya Ee Kulmiye.

La Taliyaha Madaxweynaha Ayaa Sheegtay Inay Habeenimadii Shirku Dhici Doonaba Ay Haysatay Kaadhadhkii Shirka, Hase Yeeshee Ay La Yaabtay In Markii Shirku Bilaabmayey Ay Wayday Ergooyinkii Ka Socday Gobolka Awdal, Maadaama Oo Intoodda Badan Kaadhadhkii Ay Wada Haysteen.

Su’aal Shirkaas Laga Weydiiyayna Waxaa Ay Kaga Jawaabtay Oo Ay Tidhi. “Anigu Kuman Jirin Gudida Qaybineysay Kaadhka Iyo Kuwo Ciladda Farsamo Kaga Dhacday Kaadhadhkooddii Ma Ihi, Laakiinse Inta Ogaalkayga Ah Markii Sawiraada La Qaadayey Ay Ku Soo Dhamaadeen Ergooyinkaasi Magalada Hargeysa Ayaa Lagu War Geliyey In Kaadhaadhkaasi La Isla Sugayo Oo Mar Keliya La Wadda Samayn Doonno, Markii Ay Kaadhadhkaasi Ay Soo Dhamaadeen Dadka Waxa Loo Sheegay Marka Ay Saacadu Tahay 02:30 Habeenimo Ay Diyaar U Ahaadaan Si Ay Kaadhaadhkooda Ay U Qataan Ayaanu Ka War Helnay.

Magaalada Hargeysa Aad Baa Looga Soo Jeeday Intii Ergooyinka Ahayd Oo Ku Jirtay Xisbigaa Sidii Ay Uga Qaybgali Lahayd Shirweynaha 3aad. Iyadu Sidaa Ay Tahay Labadii Habeenimo Telefoonka Igu Soo Dhacay Baa La Ii Sheegay In Sawirkaygii Uu Ka Maqan Yahay Ergada Oo Halkii Sawirada Uu Yaalay Aanu Oolin, Oo Liiskayga Magacaygu Ka Maqan Yahay Ayaa Sida La Iga Codsaday In Aan Meesha Imaddo Sidii Sawir La’iiga Qaado. Alxamdulilaah Meeshii Aan Tegay Waa La Soo Jeeday Oo Cid Kasta Way Joogtay Gobolada Ka Socday Way Joogeen.

Gobolka Awdal Waxa Uu Joogay Dad Goob-Joogayaal Ah Oo Kaadhaadhkooda Gacanta Ku Haya, Marka Aan Meesha Galay Ayaan Numberka Kaadhkayga U Sheegay Ayay Koombutarka Geliyeen Ayaa Sawirkaygii Iyo Magacaygi Soo Boodeen, Waxa Kale Oo Aan Xasuustaa Gabadh Ii Marti Ahayd Oo Sawirkeeda La La’a Ayaa Numberkeeda Aan Sheegay Oo La Helay Oo Iyaduna Loo Sameeyey”

 

 

“Aniga Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh Iyo Xildhibaan Obsiiye Iyo Rag Badan Oo Aanu Xisbigaas Isu Naqaanay Ayaa Qof Walba Kaadhkiisa Uu La’aa, Ayaa Sidaa Loo Wada Samayeey Kaadhadhkooda. Wakiilkii Uu Fadhiyey Gobolada Awdal & Selel Oo Magaciisa La Yidha Mustafe Faarax Dhoore Iyo Wiil Kale Oo La Fadhiyey Cabdiwahaab Sanjeex Oo Tirsanayey Kaadhaaadh Faro Badan, Marka Mustafe Waxa Uu I Waydiiyey Inta Kaadh Aan Qaatay Markii Kaadhadh La I Siinayey, Waxaanan U Sheegay In Laba Aan Qaatay Markaasu Ii Sheegay In Tiro 106 Uu Hayo Waana Ku Daray Labadadaas, 15 Qof Iskumay Soo Sawirin, Marka 64 Kaadh Ba Sidaa Iga Maqan Sababtaas Ayaan Ku Waydiiyey Waxaad Qaadatay Ayuu Igu Yidhi Wakiilka Awdal U Joogay Xafiiska,, Ayaan Ugu Jawaabey Waad Fiican Tahay Sidaas Baan Uga Soo Baxay Meeshii”

“Aroortii Anigu Kaadhaadhkii Haysta Ayaan Shirkii Meeshii Lagu Qabaneyey Tegay, Anagu Wax Dareen Ah Iyo Wax Lagu Jira Numberkaygii Baan Fadhiistay Cabaar Iyo Sadex Saacadood Ayaa Dadki Awdal La Sugayey, Waxanilaa A Waydiiyey Dadkii Meesha Joogay Maxa Dhacay? Waxaana La Ii Sheegay In Reer Awdal Qaadaceen Shirkii In Ay Ka Soo Qayb Galaan.

Markana Shirkii Wuu Furmay Oo Waxa La Yidhi Ergooyinkii Ha Soo Wada Galaan, Madaxweynahuna Wuu Soo Galay Dabadeedna Waxa La Yidhi Wax Kaadhadh Ah Looma Samayn Reer Awdal,Marka Aniga Waxa Isu Kay Qaban Wayday Kaadhaadhkii Goob Jooga Aan Ka Ahaa Ee La Hayey Iyo Awdal Oo La Yidhi Kaadhaadhkoodii Waa La Waayey Markaas Baan Fajacay.”

Waxaa La Sii Weydiiyay In Odayaal U Yimaadeen, Islamarkaana Ka Codsadeen Inay Shirka Ka Maqnaato, Waxaana Ay Tidhi. “Xaqiiqadan Waa Run Arrintaasi Oo Waan Ka Qayb Galay Oo Goob Joog Baan Ahaa Oo Ergadii Waan Ka Mid Ahaa, Xaqna Waxaan Uu Leeyahay Maadaama Ergada Ka Mid Ahay In Aan Ka Qayb Galo, Ka Dib Markii Shirku Soo Dhamaaday Ayaan Hadalo Maqmaqlayey La Leeyahay  “Amaal  Shirka Ha Laga Soo Saaro” Ayuu Madaxweyne Ku Xigeenku Ku Xidhay In Amaal Iyo Nin Ka Mid Ahaa Gudida Qaban Qaabada In Labadaa Laga Soo Saaro Ayaan Maqlay Laakiin Arrimahaasi Markii La Lahaa Goobjoog Maan Ahayn, Waxana La Yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Ayaa Amar Ku Siiyey Ciidanku Inay Kaa Saaraan, Laakiin May Suurtogalin In Shirka Nalaga Soo Saaro Alxamdulilahi Rabul Caalamin, Waxaan Ahay Muwaadinad  Xaq U Leh In Shirweynaha Ka Qayb Gallo, Ahna Ergadii Xisbiga Kulmiye, Ahna Dad Aan Kulmiye Ku Cusbayn, Ahna Dad Uu Danaynaya Xisbiga Kulmiye Kana Raaba In Mansabyo Fogfog Ka Qabto, Inkastoo Maantaba Mansabyo Sare Aan Ka Hayo Dawladda Uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.” Ayay Tidhi.

Xigashowargayska :Saxafi

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

COMMENTS
LINKS