Ku Xigeenka Duqa Hargeysa Oo Kulan La Yeeshay Iskaashatooyinka Kala Duwan Ee Hargeysa Ka Shaqaysta, Kuna Booriyay In La Wayneeyo Xuska 18-Ka May. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ku Xigeenka Duqa Hargeysa Oo Kulan La Yeeshay Iskaashatooyinka Kala Duwan Ee Hargeysa Ka Shaqaysta, Kuna Booriyay In La Wayneeyo Xuska 18-Ka May.
May 14, 2014 - Written by Wariye:

duqa casimadaHargaysa(Wajaale News):-Moyarku xigeenka caasimada somaliland ee hargaysa Cabdi Casiis Maxamuud Xaashi Ahna ku simaha Moyarka ayaa maanta kulan layeeshay iskashatooyinka iyo ururada ganacsiga Ee ka hawl gala magaalada hargaysa, kuna booriyay in si wayn uga qayb qaataan xuska 18ka May.

kulankaasi oo ka dhacay xarunta dawlada hoose ee hargaysa ayaa waxa ku wehelinayey moyar ku xigeenka,xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka,ururada iyo iskaashatooyinka ganacsiga.

Ugu horeyn kulankaasi ayaa waxa ka hadlay moyarku xigeenka caasimada Cabdi Casiis Maxamuud Xaashi waxaana uu iskashtooyinka iyo ururadaba usoo jeediyey in cududooda ku mideeyaan maalinta 18ka May.

Moyarku xigeenka magaalada hargaysa Cabdi Casiis Maxamuud Xaashi oo

arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi”

“Maanta waxaanu halkan iskugu yeedhnay iskaashatooyinka ka hawl gala caasimada somaliland ee hargaysa oo ay ka mid yihiin iskaashatooyinka halka fadhiya oo kala ah ,Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo, Iskaashatada bacadlaha ee waaheen, Iskaashatada bacdalaha gobanimo,ururka rayse layaasha,ururka hudheelada diihaal-reeb,ururka xirfad layaasha barkhad, Iskaashatada basaska waawayn, Iskaashatada basaska yaryar ee dalmar, Iskaashatada gaadiidka waawayn ee tawfiiq,waxaanu dhamaantiin halka iskugu kiin yeedhnay waxa weeyaan u diyaar garawga maalinta qaran ee 18ka may oo ah maalintii dhidabada loo taagay qaranimada iyo nabada ay maanta somaliland ku naaloonayso.

Dhinaca kale moyar ku xigeenka caasimada somaliland ee hargaysa Cabdi Casiis Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu ku booriyey Iskaashatooyinka in ay cuduudooda ganacsi ku muujiyaan xuska 18ka may waxaana uu yidhi”

“Waxaanu iskugu kiin yeedhnay waxaanu idiinku bushaaraynaynaa oonu idiin sheegaynaa Dhamaan ganacsatada suuqyada waawayn ee meheradaha kusoo jeeda leh laamiyada waawayn inaad sudhaan astaanta jamuuriyada somaliland oo ah calanka maanta laga bilaabo,kuna xidhaan laydh ka turjumay maalinta qaran ee 18ka may,meherada aanu ka wayn calanka waxaanu ka qaadi doonaa liisanka ganacsi mana ogolaan doono meherada aanu sudhnayn calanka somaliland,dadka ku nool caasimadana waxaanu ugu baaqaynaa in ay muujiyaan maalinta qaran ee 18ka may isku soo bax balaadhan ka dhigaan caasimada Iyaga Oo Caalamka Tusaya Halka Ay Ka Taagan Yihiin Mabda’a Somaliland,guryaha iyo xaafadahana waxaan usoo jeedin lahaa in ay xaafada waliba qashinka iska horgurto calankana ku xidhaan guryahooda.

Sidoo kale waxa uu ku booriyey in ay ilaaliyaan nabada qofka cadawga ku ah qadiyada somaliland dhinac ay uga soo wada jeestaa waxaana uu yidhi”

“Waxaan Shacabka usoo jeedin lahaa in ay ilaaliyaan amniga qofkasta maalintaas waa askari waxa uu garan waayan waa inuu lasoo xidhiidhaa ciidanka am halka ugu dhaw rug ciidan,qofkasta waxa uu maalintaas yahay ciidan inaga ayaa ilaashan nabadeena dawladuna way feejigan tahay shacabkuna waa uu ogyahay waxaanu leeyahay qof waloba qofka kugu xiga ka war hay guri walowba guriga kugi xiga ka war hay.

Xildhibaan xasan shahar oo isna ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka oo kulankaasi ka hadlayaa ayaa waxa uu isna ku dheeraaday”Maalinta 18ka may maaha waxa ay dawladu abaabushay waxa weeyaan waxa ka go’an shacabka reer somaliland waxaanada maalintaas muujin doontaa qarimada somaliland waxaanada beesha caalamka tusidoontaan inaad tihiin dal badax banaan beesha caalamkana uga fadhiya aqoonsi,somaliland cadaw badan ayey leedahay waxaana shacabka odhan lahaa ilaashada nabadiina uu caalamku idinku majiirto maaha waxaan odhan karo 18ka may fadhi ayey ku yimaadeen dawlada somaliland waxa ay ku dhisan tahay dhiig rag,anag ka gole deegaan ahaan waxaanu ka qaadi doonaa talaabo muuqata,waxaana ay ku soo bandhigi doonaa dhamaan ganacsatadu wixii ay maalintaas ugu tala galeen waxaanan rajaynayaa in ay si nabada galiyo ah noogu dhamaato.

Dhinac kale waxa Iyana halkaasi ka hadlay dhamaan ganacsatadii iyo ururadii waxaana ay dhamaantood ka dhawaajiyeen urur waliba am Iskaashato kastaaba in ay kusoo bandhigi doonaan maalintaas qaran ee18ka may cududood,kuna mari doonaan socdaal iyaga oo urur waliba sita astaantiisa xuska 18ka may.

Wajaale News
Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS