Kooxda Al Shabaad Oo Kahadashay Khilaafka Soo Kala Dhex Galay Madaxwaynaha Soomaliya Iyo Golaha Baarlamaanka Dalkaasi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Al Shabaad Oo Kahadashay Khilaafka Soo Kala Dhex Galay Madaxwaynaha Soomaliya Iyo Golaha Baarlamaanka Dalkaasi.
May 8, 2014 - Written by Wariye:

Muqdisho(Wajaale News):-Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), oo Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir, ayaa waxa uu sheegay in madaxa leesku geliyay Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka

Al Shabaab, ayaa waxay xilligaan ka hadashay khilaafka toddobaadkaan soo kala dhex galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), oo Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir, ayaa waxa uu sheegay in madaxa leesku geliyay Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, ee ka soo horjeedo.

Waxa uu tilmaamay in dalka aanu ahayn mid madax banaan, ayna ku hardamayaan dhinacyo kala duwan, kuwaa o uu xusay in ay kala wataan Hay’adaha Dowladda.

Sidoo kale Sheekh Cali Maxamed Xuseen wuxuu sheegay inaysan wax cusub ahayn in isku dhacaan Madaxda Dowladda iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, kadib markii uu sheegay in horey sidaan oo kale u dhacday.

Cali Jabal wuxuu kaloo sheegay kuwa ku hardamaaya sida uu

hadalka u dhigay dalka, in ay adeegsanayaan rag uu sheegay fulinaaya danahooda, halka kuwa kale ee aan danahoodu fulinayn sida uu yiri xilka laga tuuraayo.

Sheekh Jabal wuxuu ku goodiyay in ay la dagaalami doonaan cadowga ku hardamaaya sida uu sheegay Soomaaliya iyo kuwa kale, ee ay adeegsanayaan.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS