Koob Coffee Ah Oo Aad Maalintii Cabtaa Wuxu Yareeyaa Indho Xanuunka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Koob Coffee Ah Oo Aad Maalintii Cabtaa Wuxu Yareeyaa Indho Xanuunka.
May 11, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):- Koob  Coffee oo uu qofku maalintii cabaa wuxu ka badbaadi karaa indho madoobaadka ,isaga oo sidoo kalena  keeni kara ka hortag kale oo dhinaca indho la’aanta ah,sidaas waxa lagu sheegay daraasad dhowan lasoo bandhigay ,taas oo ay hormuud ka ahaayeen koox  u dhalatay dalkaasi Kuuriyada Koonfureed.

 

Waxay kooxdani sheegeen in maalintii haddii hal koob oo coffee ah la cabo uu keeno in uu ka hortago aragtida isha oo wax soo gaadhaan ,gaar ahaan waxyaalaha dabiiciga ah ee aan dibada kaga iman inta badan ,sidoo kalena uu ka hortago inuu aragu lumo.

Tijaabada daraasadan oo lagu sameeyey ugu horeyntii jiirka tijaabada ee loo yaqaano Mice ka ayaa lagu soo daabacay

ugu dambayntii  wargeyska lagu magcaabo Agricultural and Food Chemistry journal .

 

Marka aan la Karin ayay sheegeen khubaradani inuu ka kooban yahay xabada coffee –ga ahi  1% caffeine ah iyo sidoo kalena 7 ilaa 9% chlorogenic Acid ah (CLA) ,taas oo awood badan u leh inay ka hortagto waxyeelada ku imanaysa indhaha jiirkaasi ay ku sameeyeen tijaabada,waxaanay sheegeen in sidoo kalena iminka lagu jiro tijaabooyinkii dadka.

 

Bu’da isha ayaa ah mid kamid ah halbawleyaasha jidhka qofka ama xubnaha qofka ugu qaalisan ,taas oo ay maraan ama ay ku yaalaan inta ugu badan ee xididada araga ahi,kuwaas oo xaga dambe ka mara bu’da isha,waana meesha ugu badan ee laga gudbiyo warbixinaha aragtida.

 

Kooxdan ayaa intii aanay jiirkaasi tijaabada ku samayn dhaawac kasoo gaadhey isha ka daweeyey ,kaas oo ay ku daweeyeen Nitric Oxide,waxaanay door weyn ka qaadatay inay ishaasi dib usoo kabato,sidoo kalena may arag intaasi kadib siday warbixintooda ku sheegeen wax dhaawaca oo mar kale soo gaadhey.

 

Waxa kale oo ay tilmaameen inuu u baahan yahay unugani oxygen uu helo ,kaas oo qayb weyn ka qaadan kara inuu dib usoo kabto,haddii la waayo oxygen-na waxa dhici karta siday sheegeen inuu aragaasi soo noqon waayo.

“waa mid muhiim ah oo la fahmi karo ,waana mid daraasadani lagu ogaadey in coffee gu yahay cunto dabiici ah ,waana mid caafimaad ahaan faa’ido balaadhan inoo leh,laakin dadku ma dareensana,waayo inta badan cida isticmaashaa way yartahay”.sidaas waxa yidhi Professor Chang Y Lee .

 

“coffee-gu waa mid kamid ah cabitaanada caalamka ugu caansan,waana mid iminka lasoo fahmaayo faa’idooyinka uu lee yahay,inkasta oo ay ahayd in hore loo fahmo ,laakin way dhacday “.ayuu raaciyey hadalkiisa Professor Lee.

 

Daraasado hore ayaa lagu tilmaamay  in coffee-gu faa’ido badan u lee yahay xanuuno badan,kuwaas oo ay kamid yihiin macaanka,qaybo kamid ah Cancer-ka  iyo kuwo kaleba,sidoo kalena uu kuwo kale u xun yahay.

 

Daraasadan ayaa waxa maalgeliyey  maxadka sayniska iyo tiknoolojiyada ee dalkaasi Kuuriya,Korea Institute of Science and Technology.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahaman Habane

COMMENTS
LINKS