Khudbad Sanadeedkii Madaxwayne Siilanyo May Ahayn Wax Ka Badan Hadalo Fiic Fiican Oo La Taxay. Waxay Ahayd Keliya Wixii Aynu Uga Baranay Xukuumadiisa;;; Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khudbad Sanadeedkii Madaxwayne Siilanyo May Ahayn Wax Ka Badan Hadalo Fiic Fiican Oo La Taxay. Waxay Ahayd Keliya Wixii Aynu Uga Baranay Xukuumadiisa;;; Cali Guray
May 9, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Yuusuf Axmed(Cali Guray) Ayaa Ka Dareen Celiyay Khudbad Sannadadeedkii Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Jeediyay Labada Gole Qaran Ee Dalka.

Waxaanu Yidhi  “Khudbad Sanadeedkii Madaxwayne Siilanyo May Ahayn Wax Ka Badan Hadalo Fiic Fiican Oo La Taxay. Waxay Ahayd Keliya Wixii Aynu Uga Baranay Xukuumadiisa Gaar Ahaan Wasiiradiisa Idman Ee Uu Adeerka U Yahay Iyo Faankoodii Iyo Tookhoodii Iyo Manno Sheegashadii Looga Bartay Ee Ku Soo Wada Arooraysay Gobi Inaga Inta Kele Gun.

Way Ladnaan Lahayd Haddii Ay Inta Ugu Yar Isu Dheeli Tirnaan Lahayd Oo Uu Wax Ka Odhan Lahaa Dhaliilaha Runta Ah Ee Mucaaridka Xukuumadiisu Ay Had Iyo Jeer Ka Hadlaan Ee Uu Dhagaha Ka Gufaysto Iyo Tabashooyinka Shacbiga Uu Madaxwaynaha U Yahay Iyo Dhibaatooyinka Faraha Badan Ee Haysta.

Waxa Xusid Mudan Madaxwaynuhu Khudbad Sanadeedkii Kal Hore 2013 Wuxu Ku Xusay In Marka Ay Muddo Xileedkiisu Dhamaato Aanu Maalin Ku Darsan Doonin Lakiin Tan Maanta Haba Yaraato Eh Kumuu Soo Qaadin Doorashooyinka Mudaysan 2015 Ee Madaxtooyada Iyo Wakiilada Taasi Na Shaki Geeda Ayay Leedahay Oo Waxa La Is Waydiin Karaa Odaygu Ma Markii Ay Doorashadi Soo Dhawaatay Ee Garwaaqsaday In Aan Markan Cid Dooranaysaa Jirin Ayuu Jeclaystay Bal In Dhinaca Muddo Kordhin Aan Sharci Ah Quud Dareeyo Si Uu Kursiga Uu Sii Fadhiyo Mise Wax Kala Jira?

Waxa Ku Qosol Mudnayd In Madaxwaynuhu Aanu War Ba Ka Haynin Xidhiidhka Ka Dhexeeya Madaxtooyadiisa Iyo Madaxtooyada Xasan Sheekha Somalia.

Soomaalidu Waxay Tidhaahdaa Habeenkii Intaanad Seexan Weelka Oo Dhan Waa La Foorariyaa Hadii Kale Jin Baa Kaaga Dambaynaya Oo Ku Shaqaysta Oo Qulub Iyo Qalabta Madbakha Ayaa Mararka Qaarkood La Maqlaa. Hadaba Malaha Marka Odaygu Seexdo Ayaa Madaxtooyadiisa Jin Ku Shaqaystaa Intaa Muqdisho Iyo Hargeysa Iyo Labada Madaxtooyo Way Wada Hadlaan Oo Waa La Og Yahaye. Isna Wuxu U Haystay In Hambalyadii Uu U Diray Xasan Sheekh Markii La Doortay Ay Ahayd Xidhiidhkii Tooska Ahaa Ee Ugu Dambeeyay Ee Labada Madaxtooyo Dhex Maray.

Ugu Dambaystii Si Kasta U Eeg Oo Dhan Kasta Ba Ka Eeg Waan Ka Xumahay In Aan Idhaahdo Khudbad Sanadeedkii Madaxwaynuhu Keliya Waxay Ahayd HUGUN NUXUR LA’. Waxay Ins Xusuusinaysay Maansadii Hadraawi Ee Hoombaro;

Intuu Soo Hambaabiray

Kuyee Heeliyoy Toos

Iga Eeg Kor Iyo Hoos

Miyaan Hoolif Mooyee

Wax Turxaan Ah Leeyahay?

Ha Ka Yaabin Bay Tidhi”

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

COMMENTS
LINKS