Isticmaalka uduga oo dumarka u horseeda quruxda muuqaal waji soo jiidasho leh | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isticmaalka uduga oo dumarka u horseeda quruxda muuqaal waji soo jiidasho leh
May 30, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA (Wajaalenews);Quruxda iyo muuqaalka wajiga dumarka oo noqda mid soo jiidasho leh marka ay uduga marsato, sidaasna waxa lagu caddeeyey daraasad dhawaan la soo saaray.

kooxo saynisyahano ah oo in muddo ah ku hawlanaa baadhitaan la ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya uduga iyo dareenka soo jiidashada leh ee qofka, taasoo ay oggaadeen in uduga ka soo baxa cadarrada dumarku marsadaan ay u horseedo raalligelin iyo dareen soo jiidasho leh oo dhinaca muuqaalka wajigooda ah oo uu u sameeyo.

haddaba khuburadan cilmi-baadhista samaynaysay, ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in udugu uu isbaddel ku keeni karo muuqaalka guud ee qofka iyo inuu u sameeyo dareen soo jiidasho leh, inkastoo saynisyahanadu shaaca ka qaadeen in xogta ay heleen aanay saamayn ku yeelan karin inay ilaa xad wax ka badasho in muuqaalka qofku uu noqdo mid ka da’a yar muuqaalkiisa, balse udgoonku uu kaliya ku eg yahay inuu qofka u horseedo qurux iyo muuqaal soo jiidasho leh.

Machadka cilmi-baadhista ee Monell Chemical Senses Center, ayaa kadib markii ay kala shaandhayn ku sameeyeen xog ururin ay sameeyeen waxa u soo baxday in muuqaalka wajiga gabadhu ay ka soo jiidasho badan tahay marka ay marsato caddar ama udgoon raalligelin leh uu ka soo baxay, halka aanay wax saamayn ah ku yeelan marka aanay wax udug ah marsan.

Dhinaca kale, daraasado hore loo sameeyey ayaa muujiyey in aragtida muuqaalka soo jiidasho ay saamayn ku yeelan karto kolba waxyaabaha uu adeegsado qofku ee ah in ay ka soo baxdo ur aan raalligelin lahayn ama udug fiican oo soo jiidan kara dareenka urta ee qofka.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baadhistan oo loo adeegsaday laba nooc oo kala ah waxyaabaha laga sameeyo saleeda kaluunka oo aan urtiisu fiicnayn iyo saliida nooca laga saaro ubaxa oo ah mid udgoon, waxana sidoo kale garab socday dumar da’adoodu kala duwan tahay, taasoo ay soo baxday natiijadda ah in kolba nooca urta ah ee uu qofku marsado ay saamayn xidhiidh toos ah la leedahay aragtida soo muuqaalka soo jiidasho ee qofka, iyadoo ay ku kala duwanaadeen marka caddar ka soo baxayo iyo marka ur aan raalligelin ahayn ka soo baxayso, taasoo udugu uu ka soo jiidasho batay, isla markaana uu dumarka u horseedo in muuqaalkooda wajigu uu ka qurux badnaado dhigooda kale.

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS