Iskaashigu Waa Wadada Horumarka. W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Iskaashigu Waa Wadada Horumarka. W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad).
May 11, 2014 - Written by Wariye:

Muhiimada ugu wayn ee iskaashigu wuxuu soo hoos gala qodobo muhiima oo ay United nationku 1995 kaga doodeen

Waxaan markasta u mahadnaqayaa ALLAH oo ii suuro galiyay inaan wax soo gudbiyo.

Waxaan kaloo aad u salaamayaa dhamaan bahda saxaafada iyo akhristayaasha kala duwan.

Iskaashigu   (Cooperative)   waa wadada horumarka iyo guusha waana wadada lagu gaadho horumar la arki karo.

Iskaashigu waa marka ay dad meel ku wada nooli isku yimaadaan dabadeedna ay iska kaashadaan inay xaliyaan dhibaatooyin dhexdooda ka  jira, dhibaatooyinkaas oo noqon kara qaar bulsho  kuna sadhaysan baahida kala duwan ee dadka.

Iskaashigu wuxuu yimaadaa marka ay kulmaan dadyaw kala duwan kuwaas oo ka kala yimi meelo kala duwan iyagoo ujeedadoodu tahay in la gaadho meesha la hiigsanayo.

Muhiimada ugu wayn  ee iskaashigu wuxuu soo hoos gala qodobo muhiima   oo ay United nationku 1995 kaga doodeen magaalada

Copenhagen waxaanay u dhignaayeen sidatan:—–

In la gaadho horumarka bulsho iyo hiigsi wanaagsan

In hoos loo dhigo faqriga

In la abuuro shaqo abuuris wax soo saar leh.

Iyo in kor loo qaado is dhex galka bulsho.

Hadaan ana  ku darsado fikradayda ah muhiimada uu leeyahay  iskaashigu waxay noqonayaan sidatan:-

In la helo dad is ogol oo wax wada qabsan kara

In kor  hoos loo dhigo baahida bulsho ee jirta

In wax laga qabto nabada iyo xasiloonida meelaha qaar

In la helo wax soo saar iyo nidaam kala dambayn leh.

In la arko in iskaashigu yahay mid wax lagu wada qabsan karo midhihiisana la arki karo.

In iskaashigu yahay  wadada wax  soosaarka iyo xalinta dhibkasta oo taagan, waxaanay diinteena macaani markasta ka warantaa oo ay dadka ku dhiiri galisaa inay dhamaan dadka muslimiinta ahi iska kaashadaan dhamaan wax kasta oo wanaagsan qayrna ku jiro.

Inkasta oo aynaan ka geyoonayn  muhiimada uu leeyahay iskaashigu  ayaa hadana dadka reer Somaliland intooda badan maaha dad iska kaashada inay ku xaliyaan dhibaatooyin badan oo dalka ka jira waxaanan anigu shaqsi ahaan aamin san ahay in haddii waxkasta la iska kaashado laga gaadhayo guul iyo rajo wanaagsan hadaba Somaliland waxa ka jira dhibaatooyin kala duwan  oo kala ah

Nadaafad xumada

Shaqo la,aanta baahsan  

Wax soo saar la,aanta dalka ka jirta

Tahriibka

BIyo la,aanta

Beerashada  iyo qaar kaloo badan,

Waxaan aamin san ahay haddii bulshada reer  Somaliland yar iyo waynba la iska kaashado dhibaatooyinka dalka ka jira inaan wax dhiba la arkeen inta ilaahay ka sokeysa iyadoo dhibkasta iyo xaalad kasta wax looga qabanayo sida ay u kala daran yihiin , tusaale ahaan

Haddii shaqo la,aantu tahay  aafada ugu daran ee dalka ka jira oo inta la isku yimaadaan dhamaan qaybaha bulshada ee kala duwan sida culimo awdiinka, aqoonyahanka, taajiriinta dalka  ,wax garadka, iyo cidkasta oo la is leeyahay wax waa ay ka qaban karaan lala tashado oo loo sameeyo shir wayne qaran si loo xaliyo dhibaatadaas dabadeedna wixii go,aana ee ka soo baxa si deg-dega loo fuliyo waxaan aamin san ahay in wax badan is badali lahaayeen,

Hadaba waxaan ugu baaqayaa dhamaan bulshada reer Somaliland in xooga saaraan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen in ay dabar gooyaan dhamaan xaaladaha dhibaato ee kala duwan sida shaqola,aanta, biyo la.aanta, wax soo saarka, caafimaadka,waxbarashada,nadaafada iyo wax kasta oo u baahan in la iska kaashado idinkoo u adeegsanaya cidkasta oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh hawlkasta oo la qabanayo.

Waxa kale oo aan ugu baaqayaa dhamaan bulshada reer Somaliland in aanay waxkasta dawlada ku halayn oo ay noqdaan dad iyagu wixii ay dawladu awoodi waydo qabsada oo aan cidnaba wax ka sugin.

Waxaan kaloo ku dari lahaa dhamaan xaafadaha magaalada Hargeisa in ay samaystaan gudiyo joogto ah oo markasta ka shaqeeyo  xaalad kasta oo ka jirta xaafadaha kala duwan sida nadaafada , waxbarashada, wax soo saarka, wax wada qabsiga.

 

Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa aynu iska kaashano waxkasta oo wanaagsan , aynu iska kaashano waxsoosarka, aynu iska kaashano nadiifinta magaaloyinka, aynu  iska kaashano shaqo abuurka, aynu iska kaashano joojinta tahriibka iyo waxkasta oo loo arkayo in wax lagu wanaajin karo.

Aynu isku kaashano wanaag iyo horumar.

Wabilaahi tawfiiq

More about  me

 Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

               Email: farxaanmxd@gmail.com

  TELL: 252263–4400319

   Hargeisa

   Skype: Farxaan.mxd

   Face book: rakad mxd sultan

   Social activist

   Thank you all

   Post number:  RP101

COMMENTS
LINKS