Intaan Dugsanayn Yiqiin, Rabbow dumi Waa Hungee.Qalinkii;Ahmed Adam Cali (Haybe) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Intaan Dugsanayn Yiqiin, Rabbow dumi Waa Hungee.Qalinkii;Ahmed Adam Cali (Haybe)
May 1, 2014 - Written by Editor:

Intaan Dugsanayn Yiqiin,  Rabbow dumi Waa Hungee.

 Suuqa Maydka Lagu Kala Iibsado.

Ahmed Adam Cali (Haybe)

Marka la kala fogeeyo damiirka iyo akhlaaqda, caqliguna aanu shaqayn, xikmadduna tahay wax baaba’y, diinta iyo  noloshana la ka durkiyo, iyadoo aduunyada laga dhigayo tan muhiimka ah, aakhiro iyo geeridana ay noqoto wax la ilaabay oo aan xisaabta ku jirin, ayaa keenta in Aadamiga ay ka suurtagsho wax kasta oo yaab gelinaya kan weli ku sugan abuurka caadiga ah, ee dareenka caqligu shaqaynayo.

Basharku way is dhacayaan, is dilayaan, is qixinayaan kan liita waa la sii burburinaya, kan dhargay ka gaajaysan lafihiisa ayuu sii dhuuxayaa, arimahaasi oo dhan weynu aragnay ama maqalnay, miyaadse maqashay bani-aadam maydkiisa lakal iibsanayo?

Wargeyska (Majalada) AL-mujtama cadadkeedii 1403 ee soo baxay 6/6/2000 isagoo soo xiganaya war-bixin dheer oo uu qoray  wargeyska Independent ee ka soo baxa Ingiriiska mar qudha ayaa dadka Maraykanku waxay ku war heleen suuq aad u fir-fircoon oo lagu kala iibsado meydka dadka dhintay,

Iyadoo marka ay qofka naftu ka baxdo markiiba dad ganacsadayaal ahi deg-deg ula cararayaan oo ay ku xaraynayaan talaagado dabadeedna ay gacanta ula tegayaan niman aqoon aada u leh sidii ay wasaal ugu kala dhig dhigi lahaayeen si loo geeyo seylada halkaas oo lagu kala siisto qiimo aad u sareeya,suuqan ayaa gebigiisuba waxa uu yahay mid aad u la yaab badan marka la eego qaabka kala iibsiga iyo bandhigiisba iyo sida ay u wada shaqaynayaan dadkan wax kala iibsanaya.

Suuqan ayaa meydka keliya la kala siisanayaa 100,000 oo dolar, hadii meydka iyo lafihiisa laysku iibiyana kor ayuu sicirku u sii kacayaa, lafuhu sare ayay sicirka u qaadayaan waayo faa’idada ku jirta ayaa badan, tusaale ahaan seeda ku jirta dhudhunka lugta waxaa loo adeegsadaa daweynta dhaawacyada soo gaadha dadka ciyaaraha wax ku noqda, marka la daqiijiyo seedana waxa  xanuunada cirridka iyo daamanka lagaga daweeyaa sanad kastaba 300,000 oo Maraykana, haraga laftiisa waxa laga sameeyaa maadad loo adeegsado in  lagaga raysto raadka uu haraga ka tago dhaawacu, jiidhka laftiisana waxaa laga sameeyaa maadad loo adeegsado is qurxinta iyo baabiinta isku soo ururka jidhka gaboobay oo la kala siisto qiimo gaadha boqolaal kun oo dolar.

Professor Arther Kabelan oo macallin ka ah Xarunta Akhlaaqiyaadka Cilmiga Bayolijiga ee Jaamacadda Bensenfeliya ee Maraykanka ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi dadka dhinta ee ku tabaruca jidhkoodu ma oga fikaradana kama haystaan in jidhkooda loo a deegsado ka samaynta agabka laysku qurxiyo ee aan loo adeegsan bad-baadinta qofka, sidoo kale ma oga in inta laga shaqeeyo jidhkooda loo bedelayo maadad halkeeda garaam u dhigmayo qiimaha la kala siisto halka garaam ee dheemanta ah, halkaas oo dadka iibsadana ay ula dhigan tahay sidii oo ay cunayaan waslad Hambeegar ah, waxaanse kuu sheegayaa ayuu Professorku leeyahay waa in aanad is weydiin wasladani waxa ay ka kooban tahay.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Intaan dugsanayn Yiqiin,            Rabbow dumi waa hungee.

 Dastuurrada baadilka ah,       Intaan xaqa daafacayn

 Ka yeel dambas waab dhex yaal.  (Hadraawi)

COMMENTS
LINKS