Huteel Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyey Magaalada Hargaysa Lana Magac Baxay Sun Hotel Oo Maanta Xadhiga Laga Jaray +Daawo Sawirada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Huteel Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyey Magaalada Hargaysa Lana Magac Baxay Sun Hotel Oo Maanta Xadhiga Laga Jaray +Daawo Sawirada.
May 1, 2014 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News)Munaasibada Si heer sare Loo Sameeyey oo xadhiga lagaga jarayay Huteelka Casriga Ah Ee Sun  Hotel Ayaa Maanta Lagu Qabtay Xarunta Hudheelka Dhaxdiisa.

 

Waxa Munaasibadaasi Ka Soo Qayb Galay Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyi Galinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale,La Taliyaha Madaxwaynaha Ee Dhinac Ganacsiga,Mulkiilaha Huteelka Sun Salaadiin Aqooynaha Iyo Marti Sharaf Kale Oo Badan.

Mulkiilaha Huteelka San Cabdiraxmaan Muxumed Xiris Oo Ugu Horen Munaasibada Ka Hadlay Ayaa Dadka U Sharaxay Ujeedada Uu U Furay Huteelka Iyo Waxa Yaabaha Uu Dalka Kusoo Kordhin Doono.

Waxa Uu Shacabka Ku Booriyey Iyo Qurba Joogtaba In Ay Dalkooda Iyo Dhalinyaradooda

Ay Shaqooyin U Abuuraan Waxaana Uu Hadalkiisa Ku Bilaabay”

“Dhamaan Masuuliyiinta  Halkan Kasoo Qayb Galay Waxaan Kusoo Dhawaynayaa Huteelka Sun Waxaanan Idin Leeyahay Soo Dhawaada Waxaanan Idiinka Mahad Naqaya Wakhtigiina Aad Ii Soo Hurteen,Kolay In Dhawaydba Sida La Sheegay Qurba Joogtu Marka Ay Wadanka Yimaadaan Waxa Ay Qiimeeyaan Xaalada Wadanka Waxaanu Ogaanay Inuu Wadankii Somaliland Nabada Yahay,Oo Waliba Maal La Gashan Karo,Marka Waliba Maal Kaas La Gashadana Laguma Qasaari Karo Ee Waa Laga Faa’iidi Karaa,Markaas Go’aan Ayaanu Ku Gaadhnay Oo Waxaanu Nidhi Ha Noqonin Oo Ha Ku Daalina Qurbaha Ee Dalkiina Maal Gashada.

Mulkiilaha Huteel Casriga Ah Ee Sun Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Intaasi Duray”Dalka Umaan Imana Inaan Wasiir Ka Noqdon Am Agaasime La Ii Dhiibo Lakiin Dalka Waxaana U Imi Inaan Dhalinyarada Dalka Shaqooyin U Abuuro Ay Kaga Maarmi Karaan Shaqo La’aanta Taas Oo Aan Dalka Somaliland Gaaro Ahaan Caasimada Hargaysa Ayaan Ka Furay Huteel Casri Ah Oo Dalka Iyo Dadkaba Waxbadan Kusoo Kordhin Doona.

Dhinac Kale Waxa Uu Baaqa Usoo Jeediyey Qurbe Joogta Dagan Caalamka Waxaana Uu Yidhi”Markaas Dadka Qurbe Joogta Ah Ee Ka Akhrisanaya Warbaahinta Waxaana Kula Talin Lahaa Kow In Ay Dalka Kusoo Noqdaan Oo Nabada Yahay Laba In Ay Wax Gashadaan Dalka Oo Ay Ka Faa’idi Doonaan Isla Markaasna Waxaan Leeyahay Dadkiina Iyo Dalkiina Qurbe Joogee Waxa Gashada Huteelkan Sun Waxa Uu Idiin Hayaa Cuntooyinka Kala Duwan Ee Lagu Cuno Qurbaha Hoolkii Shirirka Qololkii Hurdada Oon Nidaamsan Markaas Balanteenu Waa Huteel Sun.

Sidoo Kale Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Mustafe Muxumed Xasan Oo Ah Agaasimaha Huteelka Sun Waxaana Uu Sharaxaad Ka Bixin Doonaa Sida Uu Huteelku U Shaqeeyo”

“Aniga Oo Ku Hadlaya Magac Maamulka Huteelka San Waxaan Jeclaan Lahaa Inaan Warbixin Guud Idinka Siiyo Qaybaha Uu Ka Kooban Yahay Huteelku Iyo Adeegyada Kala Duwan Ee Uu Qabto Huteelku Waxa Uu Ka Kooban Yahay 30 Qol Waxaana Ay Iskugu Jiraan Qololkaasi Mid Qof Kaliyi Seexan Karo Iyo Mid Ay Dadka Lamaanahu Seexan Karaan,Markaas Runtii Huteelka Qalab Casriya Ayaanu Dhignay Oo Aad U Sareeyo Kuwaas Oo Ay Mid Yihiin Tvgii Dhamaantooda Qololkaas Aanu Idiin Sheegnayna Waxa U Dhamaystiran Qalabkii Oo Dhan,Hoolka Hadaan Usoo Laabta Huteelka Waxa Ku Yaala Lix Hool Oo Aad U Waawayn,Markaas Shacabka Reer Somaliland Iyo Qurbe Joogtaba Waxaan Ugu Bushaaraynaynaa In Ay Nagala Soo Qayb Galaan Huteelka Caalamiga Ah Ee Sun Huteel.

Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Oo Munaasibada Lagu Soo Casuumay Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyi Galinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale”

“Waa Horu Mar La Taaban Karo Haday Sameeyaan Huteeladu Waa Waxa Lagu Farxo,Waxaana Wanaagsan In Ay Huteeladu Kala Duwanadaan Sidaas Ayey Macno Ku Samaynayaan Markaas Talaabadan Ay Qaadeen Way Ku Mahad Sanyihiin Ilaa Mahadii Barina Waxa Aynu Arki Doonaa Huteelo Kale Oo Cuntooyin Casri Ah Soo Kordhiya Sida Huteelka San Oo Kalaa.

Sheekh Ciise Axmed Oo Isna Ka Mid Ah Sheekhyada Waawayn Ee Dalka Oo Isna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Ku Dheeraaday Ahmiyada Ay Dalka Ugu Fadhiyaan In Ay Keenaan Huteelo Casri Ah Kuwaas Oo Uu Sheegay In Ay Dalka U Baahan Yihiin Waxaana Uu Maamulka Iyo Shaqaalaha Huteelka Ku Booriyey In Ay Dadka Imanaya Ee Soo Galaan Huteelka La Socdaan Haday Noqon Lahayd Xaga Amni Iyo Xaga Dhaqanba.

Dr Axmed Xuseen Ciise Oo Isna Munaasibada Hadalka Kooban Kasoo Jeediyey Ayaa Ku Dheeraaday Ahmiyada Ay Hudheeladu Dalku Ugu Fadhiyaan Waxaana Uu Shacabka Iyo Qurbe Joogtaba Usoo Jeediyey In Ay Dalkooda Waxa Gashadaan Sidii Ay Horumar Lataaba Karo U Gaadhsiin Lahayeen Shacabkooda,Waxaana Uu Ku Dheeraaday Huteelkan Sun Iyo Waxa Uu Kusoo Kordhin Doono Dalka,Kaas Oo Tilmaamay Inuu Yahay Huteelka Kaliye Ee Sameeya Cuntooyina Lagu Cuno Caalamka.

Gabo-Gabadii Waxa Soo Gunaanaday Munaasibada La Taliyaha Madaxwaynaha Arrimaha Ganacsiga Axmed Xasan Carwo Waxaana Uu Yidhi”Waxaan Aad Ugu Faraxsanahay Huteelka Casriga Ah Ee Lagu Soo Kordhiyey Dalka Kaas Oo Waxaana Odhan Karaa Waxa Uu Waxbadan Ka Badali Karaa Hadii Ale Idmo Dhaqaalaha Wadanka Cuntooyinka Dalka,Maxaa Yeelaya Waxa Cuntooyinka Kariya Nin Takhakhus Ku Ah Xagaas Cunta Oo Looga Bartay Cunto Wanaagsani Waanan Nin Hinda Ah,Markaas Aad Ayaan Usoo Dhawaynayaa Wax Kasta Oo Wadanka Waxa Kusoo Kordhin Kara.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS