Hogaamiyaha Kooxda Book Xaaram Oo Sheegay In Ay Iibin Doonaan 276 Gabdhood Oo Gacantooda Ku Jira | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaamiyaha Kooxda Book Xaaram Oo Sheegay In Ay Iibin Doonaan 276 Gabdhood Oo Gacantooda Ku Jira
May 6, 2014 - Written by Editor:

Bokoharam(Wajaalenews)Hogaamiyaha kooxda Boko xaram ee ka dagaalama dalka Nigeria ayaa sheegay inay iyagu afduubteen gabdho gaaraya 276 oo laga qafaashay waqooyiga dalkaasi bishii lasoo dhaafay.

 

Hogaamiyaha kooxda Abubakar Shekau oo soo saaray cajalad muuqaal ah oo soconeysa 57 daqiiqo ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan gabdhaha isla markaana wuxuu wacad ku maray in gabdhahan uu iibin doono oo uu geyn doono suuqa.

 

Kooxda Boko Xaram ayaa kasoo horjeeda waxbarashada gabdhaha waxayna gabdhaha ay afduubeen ka qafaasheen iskuul ay wax ku baran jireen oo ku yaal magaalada Chibok ee waqooyiga wadankaasi.

 

Dowlada Nigeria ayaa caalamka ka codsatay in gacan laga siiyo sidii ay usoo bad baadin lahaayeen gabdhahaasi afduubka loo heysto. Waxaa sidoo kale ka dhacay wadanka Nigeria banaanbaxyo looga soo horjeedo afduubka gabdhaha.

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/Office

COMMENTS
LINKS