Hirdanka Loolanka Xisbiga Kulmiye iyo Dareenada kasoo Cusboonaadey Kala Shaandheynta Xubnihii Beelaha Lagu Qeybsadey Ee Golaha Dhexe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hirdanka Loolanka Xisbiga Kulmiye iyo Dareenada kasoo Cusboonaadey Kala Shaandheynta Xubnihii Beelaha Lagu Qeybsadey Ee Golaha Dhexe.
May 14, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News)-Xiisada Loolanka u dhexeeya Xisbiga Kulmiye  dhexdiisa,ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay cirka isku shareeray kadib markii dareeno hor lihi ka dhasheen fatashaad, dambe oo shirgudoonkii Shirweyaha Xisbiga Kulmiye ku sameeyeen liisaskii xubnaha Golaha dhexe ee beelaha lagu qaybsadey, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan xiligan xubno katirsan Golaha Wasiirada Somaliland oo uu hurmuud u yahey Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami.

Loolanka Xisbiga Kulmiye u bilaabmay, ee xiligan xiisadiisu soo kululaatey ayaa ka dambeeyay dhawaaqii dhawaan kasoo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Muuse Biixi Cabdi ee uu ku shaaciyay mowqifkiisa damaca Kursiga talada isagoo si cad u sheegay in uu u taagan yahey Murashaxa jagada Madexweynaha Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ee ka tartamaya Golaha Dhexe taas, oo ay

aad uga cadhoodeen Xubno badan oo ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada, oo iyaguna dhinacooda ka dhawaajiyay Madexweynaha taas, oo ay ka bilaabmeen kala hororsiga xubnihii ay beeluhu usoo xuleen Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, oo aan wali si rasmi ah loo gudbinin liiskaa,loona shaacinin iyadoo xubnihii beelaha laga soo xuley laf ahaantoodu aanay wali si rasmi ah uga warqabin in Magacyada Liiskii Xubnaha Golaha dhexe ee Cusub oo ay beelaha qaarkood gudbiyeen sadex sadex liisin ay  sidoodii yihiin iyo in ay wax iska badeleen, iyadoo aan dhinaca kalena laga warheyn sida ay daaha ka feydeen wararka xanshashaqa ah ee kasoo baxaya loolanka u bilaabmey Xiligan Kulmiye, in boqolkii Xubnood ee Shirweynaha lagu ansixiyay wax lagu kordhiyay iyo in sidoodii loo daayay maadaama, ay wali liisaskaasi Shirgudoonkii Shirweyana Xisbiga gacantooda kujiraan.

Sikastaba ha ahaatee, dhaqdhaaqaaqa dareenada kasoo kordhey Xubnaha Golaha dhexe , ayaa u muuqda in dhinac waliba dhinaca kale ka showdh qabo taas, oo sida la tuhunsan yahey ay Xubnaha Golaha Wasiiradu maalmihii u dambeeyay wax dhaqdhaqaajiyeen iyagoo ka faa,ideysanaya dhawaaqa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, oo ay ka dhigeen Xiisad Cusub, oo lagu dardargalinayo Kaambeyno ka dhinac ah Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee lagu doortey Shirweynihii waxaana isha lagu hayn doonaa halka ay dareenadani sal dhigaan kadib marka si rasmi ah loo Shaaciyo Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Muxumed Samaale oo isagu damaciisa ku xudun xidhey Marka uu Madexweynuhu haakah yidhaahdo, ayaa maalmahan mid waliba dhankiisa ugu jirey Qosol aan lawada qabin

COMMENTS
LINKS