Haweeney Hal Million Oo Dollar Siineysa Ninki Guursada, balse waa inuu.. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haweeney Hal Million Oo Dollar Siineysa Ninki Guursada, balse waa inuu..
May 11, 2014 - Written by Wariye:

hijab-drivers_Sacuudiga(Wajaale News):-Haweeneey Maalqabeen ah oo u dhalatay wadanka sacuudi Carabiya ayaa Balan qaaday in Ninkii guursadaa ay siin doonto bilyan iyo Sadaxboqol iyo Sodon kun oo Doolar.

Majalada (SAYIDATII ) ee Sacuudiga ayaa Barteeda internetka ku daabacday in haweeneydaan malqabeenka ah ay ninkii Guursadaa Abaal marin ahaan u siin doonto Lacagtaasi faraha BAdan ee Gaaraysa Bilyanka iyo 330 kun ee doolar.

Haweynaydaan oo aanana Magaceeda laxusin ayaa siinaysa caruuskeeda ka soo gudbaa shuruudaheeda oo ay ugu wayntahay in uu Gurigeda Gaarka ah ku guursadaa, shuruudahana waxaa ay hor dhigi doontaa cidii soo doonata.

Maalqabeenadaan oo 33 jir ah ayaa dagan Magaalada Jidah ee Bokhortooyada Sacuudiga, waxaana ay dalbadatay in ninkii danaynaya in uu Facebook-geda kala soo xiriiro Una soo diraa dhamaan xogtiisa asaga oo soo raacinaya taleefankiisa gacanta si ay ula xariirto.

Majalada ayaa soo xigatay in haweeneydaan ay usheegtay in Guur ay soo martay sadax sano ka hor , sababata ay ukala tageena uu ahaa in ninkaasi uu damcay xoolaheeda, balse xiligaan aysan wax dan ah ka laheen hadii uu rabo lacagteeda iyo in kale.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahaman Habane

COMMENTS
LINKS