|
|||||
WAJAALE NEWS
Hadalhaynta Reer Gabiley,Halkuu Ku Dambeeyay Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage(Sheekhii Nabada Ceel-Bardaale) Wadey iyo Dhacdadii Isha Gudban
May 9, 2014 - Written by Editor:GABILEY(WAJAALENEWS);Hadaba waxa Siweyn la isku weydiiyay Guud ahaanba Shacbiga Gobolka Gabiley, labadii maalmood ee u dambeeyay, halka ay Xukuumada Siilaanyo sida dhagaxa ugu tuurtey Sheekhii wadey Arimha Nabedgelyada Ceel-BardaaleGabiley(Wajaalenews)-Tan iyo intii uu dhawaan Madexweyne Axmed Siilaanyo usoo Magacaabay Gobolka Gabiley, Gudoomiyihii Lixaad ee Gobolkaasi uu Digreeto Madexweyne ugu soo Magacaabo, ayaa waxa siweyn usoo baxey arimo nabar culus ku ah Dadweynaha Reer Gabiley iyo Gobolka ay oodwadaagta yihiin ee Awdal, iyadoo dhacdadii u dambeysay ee ka dhacdey Deegaanka Buuraleyda ee Waqooyiga Gobolka Gabiley, aheyd dhacdo aad u fool xun kadib markii dad watey Xoolo oo isugu jira rag iyo dumar ay kooxo falaagooyin ahi dhirbaaxo adag u geysteen Xoolihiina ka qaadeen, arintaasi oo dib usoo nooleysey xasaasiyada nabedgelyo daro ee halkaa ka taagneyd mudada badan.
Hadaba waxa Siweyn la isku weydiiyay Guud ahaanba Shacbiga Gobolka Gabiley, labadii maalmood ee u dambeeyay, halka ay Xukuumada siilanyiSiilida dhagaxa ugu tuurtey Sheekhii wadey Arimha Nabedgelyada Ceel-Bardaale Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage, oo isagu aan kusoo dhawaanin in mudo ah deegaanadan dhulbeereedka Ceel-Bardaale iyo nawaaxiga Gobolka Gabiley, kadib markii uu dhacey dilkii Seemaal, oo lagu burburiyay beerihiisii iyo dhismayaashiisii Ceel-bardaale, waxaanay dadku inta badan siweyn isku weydiiyaan sida ay Xukuumada Madexweyne Siilaanyo albaabada uga xidhatey tubtaasi nabada Ceelbardaale inkastoo Madexweyne Siilaanyo khudbad Sanadeedkiisii uu kal hore ka hor jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland ku sheegay in arinta Ceelbardaale ay xukuumadiisu ka faraxalatey, oo dhameysey mushkiladii halkaasi taaley taas, oo ay ku beeniyeen xiligaasi Xildhibaanada kasoo kala jeeda labada ardaa ee colaada Deegaankaasi mudada badan u dhxeysay Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo labaduba ku tilmaamay in aanay Xukuumadu arintaasi wax natiijo ah ka sameynin habayaraatee, islamarkaana ay la yaabeen waagaas khudbada Madexweynuhu ku darey in la dhameeyay inkastoo aanu sanadkan ku xusin khudabdiisa arimaha Ceelbardaale.
Sikastaba aha ahaatee, waxyaabaha Shacbiga Reer Gabiley hoosta uga gunteen Xukuumadan ayey kamid tahey arinta Ceelbardaale iyo sida uu Madexweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisu ula dhaqantey Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage Sheekhii ogolaadey islamarkaana, bilaabay in ay nabad qaataan ardaayada ku muransanaa Deegaankaasi mudada badan, ee colaada badani ka dhacdey taas, oo xiligan rajo la,aani kasoo fool leedahey, marka loo eego dhacadadii u dambeysay ee ka dhacdey laba habeen ka hor Deegaanka Isha Gudban ee duleedka Waqooyi ee Magaalada Gabiley, waxaanay dad badani xiligan isweydiinayaan halka uu ku dambeeyay Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage iyo Nabadii ay ka alifeen Deegaanka Ceelbardaale.
Qalinkii Cabdiraxmaan Nuux Hiiraan –
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|