Halkan Ka Akhri Khudbadda Madaxweynaha ee Munaasibada Xuska 18 May;Daawo sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri Khudbadda Madaxweynaha ee Munaasibada Xuska 18 May;Daawo sawiro
May 18, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);KHUDBADDA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND EE MUNAASIBADA 18-KA MAY

Taariikh: Axad, 18/05/2014 Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alxamdulilaah, Wa Salaatu Wasalaamu Calaa Ashrafil Anbiyaai’ Wal Mursaliin.

Walaalayaal,

Ugu horayn waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan uga soo jeedinayaa dhammaan shacabi weynaha Somaliland meel ay joogaanba gudo iyo dibadaba xuska 23-aad ee munaasabadda qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May. Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada Qaranka qaybahooda kala duwan ee hadh iyo habeen heeganka u ah difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Muddo dhawr iyo labaatan sannadood ah, ayaa maanta ka soo wareegtay markii uu qarankani la soo noqday madaxbannaanidiisi, taas oo loo soo galay halgan dheer oo naf iyo maalba leh. Halgankaasi maaha mid weli dhamaaday, balse waa mid soconaya ilaa iyo inta aynu ka xaqiijineyno hadafka iyo himilada dhabta ah ee aynu ku higsaneyno in aynu helno aqoonsi buuxa oo aynu kaga mid noqonno qaramada madaxa banaan ee qorraxdu dunida ugu soo baxdo.

Xoriyadan aynu neecawdeeda ku nafaxaadnay maaha mid ku timi hawl yari iyo hadiyad toona. Hase ahaatee, kumanaan qof ayaa naftoodii ku waayay, burbur, barakac iyo hanti badan ayaa ku baaba’aday sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran xor ah oo qolqolkiisa laga qodax tiray dulmi, digtaytarnimo iyo awooda dawladnimo oo la isu adeegsado.

Waxaan Alleheenna weyn uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo dhammaan dadkii ku geeriyooday halgankii dalka dib loogu xoreeyay, intii ku dhaawacantay iyo agoomihiiba waxaan u rajaynayaa caafimaad iyo nolol wacan.

Haddii ay dadka qaar, caad iyo ciiro ka saaran tahay, waxaan u caddaynayaa in gooni isu taaga Somaliland ee maanta baarka ka jaray 23 gu’ oo gaw ah, aanu ahayn wax salka ku haya cadho iyo caadifad. Hase ahaatee, tani waxay ka markhaati kacaysaa in uu go’aankani yahay mid gaamuray oo ka tarjumaya rabitaanka runta ah ee shacbigiisa. Sidaa darteed, qadiyadda madax-banaanida dalkani maaha mid marnaba gorgortan cid lagala gelayo. Muddo kasta oo ay qaadanayso meel marinteeduna, waxay dadkeedu ula diyaar yihiin in ay u dhabar adaygaan dhiig hor lehna u daadiyaan .

Dhamaan shacbiga Somaliland ayaa guulaystay, gobanimaduna waa galad u soo wada hoyatey. Inkasta oo ay ina soo waajaheen duruufo iyo danqaabooyin aan yarayni, haddana ummad ahaan waynu guuleysaney oo dharaar cad ayaynu ka dhabaynay wixii aynu aaminsanayn. Waxaynu dhidibada u taagnay qaran iyo dawladnimo ku dhisan dhaqan aynu ka dhaxalnay awoowayaasheen, nabadgelyo, dhawrista xuquuqda aadamaha, iyo nidaam siyaasadeed oo doorashooyin xor ah iyo diimuqraadiyadi dadab u tahay, taas oo dunida in badani inagu majeerato, inagagana dayan karto.

MIDNIMADA QARANKA Walaalayaal,

Somaliland waxay ku soo cawo iyo caano maashay halka ay maraysana ku soo gaadhay iskaashi, nabad, tawfiiq, talo wadaag iyo isu tanaasul. Caado wanaagsan oo la gooyaa cadho alle ayey leedahay; sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa dhamaan goleyaasha qaranka, axsaabta qaranka, madax-dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, midnimo, isku-duubni iyo wadajir. Marxaladan adag ee aynu ku jirno waxaa la inooga baahan yahay in aynu kaga gudubno isu dulqaadasho, wadaniyad iyo bisayl siyaasadeed, iyadoo ay waajib tahay in aynu meel uga soo wada jeedno difaaca dalkeena iyo xaqiijinta qaranimadeena. Anigoo munaasabadda ugu faaiidaysanaya, waxaan si gaar ah ugu bogaadinaya Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Axsaabta Mucaaradka, Ururada Aan Dawliga ahayn iyo haween weynaha doorka ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka. Dawladdan oo ah tii horumarka iyo waxqabadka, waxay gacanta ku haysaa mashaariic kala duwan oo laf dhabar u ah kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada Qarankan. Haddaba, far keliya fool ma dhaqado, waxan ku boorinayaaa Dhamaan shacbi weynahayga in ay iskaaya garab taagaan, si hagar la’aan ahna noogala qayb qaataan. “Waxaanan leeyahay daawanaayow waa dalkaagii”. Sidoo kale, waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah ee maamulkayga loo soo jeediyo, waxaana iga go’an in aan gufeeyo godoloolo kasta oo ay qarankan gabadano ka soo geli karto.

Waxaan diyaar u ahay inaan dhug u yeesho tixgeliyona talooyinka taabogalka ah ee goleyaasha iyo axsaabta qaranka. Waxaan shacbigayga qiimaha leh kula dardaarmayaa in ay si weyn u ilaashadaan nabadgelyada eebeheen inagu manaystay.

BEESHA CAALAMKA IYO DALALKA DERISKA

Waxaan ugu baaqayaa wadamada beesha caalamka inta xidhiidhka wada shaqayntu innaga dhaxeeyo iyo inta kaleba in ay tixgeliyaan, isla markaana taageeraan go’aanka iyo aayo ka tashiga shacbiga Somaliland, xaq u leeyahay.

Xukumadaydu waxay sii xoojinaysaa wada shaqaynta iyo iskaashiga dalalka deriska ah, si gobolka Geeska Afrika u noqdo mandiqad nabad-gelyo ah, taas oo ay shucuubtoodu isu soo hiloobaan kana faa’iideystaan fursadaha is weydaarsiga gacacsi iyo aqooneed. Waxaan mahadnaq iyo bogaadin u dirayaa dalalka nagala shaqeeya dimuqraadiyadda, nabadgelyada iyo iskaashiga dhaqaale.

Walaalahayo Somaaliya waxaan leeyahay reer dan buu guuraa, sidaa darteed, waannu tashanay oo waannu isku tashanay. Dalka iyo dadka aan madaxda u ahayna idiinma soo socdaan ee illaawa oo idinkuna duco-qabayaal isku tashada. Walaalayaal, awrkii lamada iyo dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno. Waxaanu doonaynaa way cadahay, waxaannuna ka digaynaa in dib loo abuuro cadaawad iyo caabuqii colaadihii ina soo maray.

Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxay diyaar u tahay in wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya la sii ambaqaado, si looga gaadho maslaxad caam ah oo qawmiyada somaaliyeed u horseedi karta in ay ku wada noolaato nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag salka ku haya laba dawladood oo dano badan iska kaashan kara. Waxaan bogaadinayaa dawladihii sida hagar la’aanta ah gacanta uga gaystay qabsoomidda wada hadalkaasi, haatanna diyaarka u ah inay sii wadaan dedaalkaas .

Ugu danbayn, waxaan shacbigayga ku dhiiri gelinayaa in ay dhexda marada ku xidhaan siina laban laaban dedaalka ku aaddan ka midho dhalinta qadiyadda aayo ka tashigeena. Waan hubaa in aynu heli doono ictiraaf caalami ah, balse waxaa la inooga baahan yahay dedaal iyo in aynu gacmaha is qabsano.

Waxaan u mahad-naqayaa xildhibaannada Sheffield Council oo Somaliland garab istaagay isla markaana aqoonsaday madaxbannaanida Jamuuriyadda Somaliland. Waa bilow horseed u noqonaya helidda aqoonsi caalami ah. Waxaan iyana la ilaawi karin jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Sheffield iyo guud ahaan dalka UK oo gacan wayn hawshaas ka gaystay. Hore ayaa loo yidhi kun talaabo waxay ka bilaabmaan hal talaabo ee waxaa inaga reeban nugayl iyo niyad jab.

Somaliland ha Guuleysato In sha Allaah,Waad Mahadsan tihiin,

Wassalaama calaykum wa raxmatulaahi wa barakaaDSC_0016.
DSC_0078DSC_0086DSC_0111DSC_0151DSC_0166

COMMENTS
LINKS