Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Gudomiyaha G, Wakiilada Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Kana Hadlay Safarkiisi Dibadda, Khilaafka Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Gudomiyaha G, Wakiilada Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Kana Hadlay Safarkiisi Dibadda, Khilaafka Kulmiye
May 24, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Gudomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdirahmaan Maxamed Cabdullahi (Ciro) ahna Gudomiyaha Aqalka Wakiilada Jamhuuriyada  Somaliland ayaa maanta Dib ugu soo laabtay Dalka gaar ahaan magaalada Hargeysa kadib safar qaatay mudo bil iyo todobaadyo ah oo  uu ugu maqnaa Dalka dibaddisa siiba Wadamo Qaarada Yurub ku yaala.

Gudoomiye Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaaalada Hargeysa,waxaa halkaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyey Madaxda Sarsare ee Xisbiga WADDANI,Xildhibaano ka tirsan labada Aqal Baarlamaan ee Somaliland,Masuuliyiin Ka socotay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,Oday Dhaqameedyo ka kala tirsan Beelaha dagan Somaliland iyo Taageerayaal aad u tiro badan.

Md Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa kadib soo dhawayntiisa waxaa uu warbaahinta kula hadlay Qolka nasashada ee Cigaal International Airport, waxaana uu ka ugu horayn ka hadlay ujeedada Safarkiisii uu dibada dalka kaga maqnaa, iyo sida oo kale meelaha kala duwan ee uu tagay waxaana ugu horayn ka mid ahaa hadaladiisi isaga oo arimahaasi ka hadlaaya “Waxaa farxad wayn ii ah in aan dalkaygii hooyo aan ku soo noqdo safar aan ugu maqnaa dibada ka dib ilaahay baa mahadaa leh,waxaan salaamayaa dhamaanba shacbiga reer somaliland meel kasta oo ay joogaan mudadii aan maqnaa waxaan soo maray dalal kamida qaarada Yurub iyo dalalka carabtaba,wadamada yurub intii aan maraayey waxaan la kulmay baarlamaanada dalalkaa oo iyo kamid ahaayeen Sweden iyo Finland,waxaan kale oo aan la kulmay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dalalkaas oo uu kujiro Raysal Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Ingiriiska uu ku jiro iyo wasiir ku xigeenka dhinaca iskaashiga dalka Finland ,waxaan kale oo aan la kulmay  maal qabeeno dalalkaasi ka tirsan oo xiiisaynaya in ay dalka maal galshadaan,waxaan la kulmay Axaabta Siyaasada ee dalalka qaar oo aan dhamaantoodba kala hadlay arinta somaliland iyo masuuliyiintooda aan lahadlayba,waxaan kale oo aan aniga iyo xildhibaanadii kale ee ila socday la kulanay golayaasha deegaanka ee ay ka mid ahaayeen Sheffeild iyo Pristol oo aan iyagana arimaha somaliland aanu guud ahaanba kala hadlaynay,waxaan kale ee intii aan socdaalkaasi ku jiray aan kulamo la yeeshay jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalalkaasi iyo madaxda Xisbiga intii aan finland joognayna waxaa ii suurta gashay in asxaabta aan la kulmay qaar kood in ay ku qanceen in arinta Somaliland ay kor u qaadaan oo ay baarlamaanka Finland ay geeyaan mooshin ku saabsan Ictiraafka Somaliland oo aan filaayo in ay dhawaan la horkeeni doono hadii ilaahay ka dhigo” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

Gudoomiye Cabdiraxamaan Cirro isaga oo hadalkiisa sii wata aya waxaa uu meesha ka saaray in aan habayaaraatee jirin wax khilaafa oo soo kala dhex galay isaga iyo ku xigeenkiisa “Arintaasi waxba kama jiraan gudoomiye ku xigeenkiina hada waa kan igarab taagan hadaad hore u maqashayna malaha hadalbaad dhagaysatee wararkii ka danbeeyey maad dhagaysan ayaan u malaynayaa” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Waxaa sida oo kale ay Gudoomiye Cirro ay warbaahintu wax ka waydiisay su’aalo la xidhiidha khilaafka mudooyinkii danbe ka dhextaagnaa madaxda sarsare ee Xisbiga muxaafadka ah ee  KULMIYE isaga oo sheegay in ay ka xisbi ahaan ay qabaan in waxii khilaafaad ah ee soo kala dhex gala Axsaabtu ay ku dhamaystaan shuruucda u taala,waxaana uu sida oo kale uu intaasi raaciyey in Xisbi kastaaba uu Xaq u leeyahay musharaxa ay dooranayaan in uu u tartamo,isla mar ahaantaana ay ka dhursugayaan uun cidii ugu danbaynta la tartami lahayd waxaana uu yidhi: “Waxaanu jecelnahay waxii khilaafad ah ee  asxaabta Qaranka dhexdooda ahi in ay dhamaystaan,wadanku waxaa uu leeyahay Shuruuc,Axsaabtuna shuruuc ayaa ay leedahay,waxaanan rajaynaynaa in Xisbigaa aad asheegtay ee Qaran ay qawaaniintooda iyo qawaaniinta dalka u taala ay ku kala bixi doonaan oo ay arintooda dhamaysan doonaan Xisbi kastaa dee musharaxnimadiisa isaga ayaa Xaq u leh anaguna waxaanu sugaynaa cida finalka  soo istaagta hadii alleh uu ka dhigo”

Md Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ugu danbayntii waxaa uu meesha ka saaray in uu ka si kasa uga baaqday wakhtigii uu golaha deegaanka shaffeild uu codka u qaadayey ictiraafka Somaliland,waxaana uu gudoomiyahu uu sheegay In ay ka wadani ka wadani ahaan ay ahaayeen ku wii soo qaaday waraaqda ictiraafka Somaliland ee ay Golaha deegaanka Sheffeild ku Ictiraafeen Somaliland “Tv-ga qaranka waxaanu marka hore jecelnahay in uu noqdo Tv Qaran su’aashaadiina waan kaaga jawaabayaa ee hawlo qaran ayaan ku  maqnaa markaas sheffeildna sidaan markaas kuu sheegayo waan tagnay lord maayarkiina waanu la kulanay golahii deegaankana waanu la kulanay ictiraafkii la qorayna anaga ayaa soo qaadanay

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS