Guddoomiyaha jimciyada Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed oo xukuumada usoo jeediyay Inay hoos u ee gaan mujaahidiintii s.n.m | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha jimciyada Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed oo xukuumada usoo jeediyay Inay hoos u ee gaan mujaahidiintii s.n.m
May 13, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews)Guddoomiyaha jimiiciyada Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay xaalada ay ku sugan yihiin agoonta ay ka tageen mujaahidiintii dalkan xoraysay ee SNM.

SNM Sooyaal

Guddoomiyahu waxa sheegay in xukuumada maanta talada haysa aanay qorshahoogu ugu jirin inay wax u qabtaan agoontan ay dhaleen mujaahidiintu, sidaasna waxa uu ka sheegay munaasibad cusbitaalka dhimirka ee Raywan oo ku yaala magaalada Hargeysa uu ku soo bandhigayey sida uu u caawiyo mujaahidiintii SNM ee maanta ku dhibaataysan dalka.

 Guddoomiye xasan cabdi maxamed waxa uu u soo jeediyay shacab iyo ganacsataba in ay iska kaashadaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen mujaahidiintan dhibaataysan

Hadalada guddomiyaha ayaa waxa kamid ahaa

(Xumuumada waxaan leeyahay “waar dalkii waad dhisteen oo ilaa Ceerigaabo waddo ayaad wadaan, lakiin dadkii ilaa halkaa xoreeyay diif bay qabaane bal waxuun kaga dara” Guddoomiyaha Jimiiciyada Sooyaal)

(SNM, waa loo calaa-calaa oo keliya,dabadeedna waa lagu kala dareeraa oo cidi wax uma qabato)

(Wasiirada waxaan leeyahay “idinkaa marwalba agfadhiya madaxweynahe bal gaadhsiiya baahidooda)

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS