Garsooraha Dacwada Wargeyska Haatuf haya oo manta furay, tobanka bisha May-na u mudeeyey in rasmi loo dhagaysan doono | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garsooraha Dacwada Wargeyska Haatuf haya oo manta furay, tobanka bisha May-na u mudeeyey in rasmi loo dhagaysan doono
May 4, 2014 - Written by Editor:

Waxa Maxkamadda ka xaadiray Guddoomiyaha Haatuf, Siyaaasiyiin iyo wariyayaal

Hargeysa(Wajaalenews) Garsooraha haya Dacwada Wargeyska Haatuf Garsoore Yuusuf Dalal ayaa manta fadhigii ugu horeeyey ee Dacwadaasi ku muddeeyey in tobanka bishan May Dhagaysiga rasmiga ah ee Dacwadu bilaabmi doonto.

Garsoore Yuusuf Dalal oo hore u mudeeyey manta oo bishu afar tahay isla markaana warbaahinta ka baafinayey ayaa saaka markii masuuliyiinta Haatuf ka soo xaadirtay u qabtay tobanka bisha in ay u soo diyaar garoobaan isagoo siiyey Eedaha loo haysto Wargeyska.

Fadhiga Maxkamadda ee manta waxa ka xaadiray siyaasiyiin iyo wariyayaal badan, iyadoo guddoomiyaha iyo Tafatiraha wargeyskaasina si toos ah manta uga xaadireen kadib markii ay hore Maxkamaddu ugu eedaysay in ay ka dhago adaygeen.

Si kasta ha ahaatee Dacwada Wargeyska Haatuf ayaa noqonaysaa tii ugu horaysay ee la furo, iyada oo dhinaca kale, Wargeyska Hubaal oo xayiraad ay saran tahay muddo ka badan toddoba bilood aan illaa hada wax Dacwad ah loo furin.

Lama garanayo sababta Wargeyska Haatuf oo ka danbeeyey Dacwadiisa loo furay Wargeyska Hubaal-na ay illaa hadda cida Eedaynaysaa Dacwad ugu furan la’dahay, waxaanay taasi muujinaysaa in aanay jirin cid dhibane ka ah xayiraada Wargeyska Hubaal saarani

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL.WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS