Garabka Xukuumada Oo Saaray Liiska Guddida Qaban Qaabada Shirka Golaha Dhexe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garabka Xukuumada Oo Saaray Liiska Guddida Qaban Qaabada Shirka Golaha Dhexe
May 31, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);-Garabka Xisbiga Kulmiye ee kasoo horjeeda Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, oo uu hurmuud u yahey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa, soo saarey qoraal uu ku socodsiinayo hogaanka Xisbiga Kulmiye islamarkaana, uu ku magacabaayo Gudida qabanqaabada

Shirka Golaha Dhexe.

 

Qoraalakan oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhay Shabakada wararka ee Wajaalenews waxaa uu u dhignaa sida tan.

 

“Ku: Hogaanka Xisbiga Kulmiye

 

Ujeedo:Magacaabis Guddi Qabanqaabo

 

Mudanayaal sida aad la socotaan waxa la qaban doonaa 1/6/2014ka Shirweynihii Sadexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye,hadaba si howshaasi si habsami ah ugu qabsoonto waxa la idiin Magacaabay Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

 

1-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

2-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe

3-Xildhibaan

Cabdilaahi Xuseen(Balaaki)

4-Axmed Cali Maxamuud

5-Mustafe Faarax Abraar

6-Cabdi Siciid Faahiye

7-Maxamuud Axmed Saalax

 

Allaa Mahad Leh

Xasan Siciid Yuusuf

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye”.

COMMENTS
LINKS