Ganacsigii Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo Qarka u saaran inuu xidhmo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsigii Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo Qarka u saaran inuu xidhmo
May 9, 2014 - Written by Editor:

Dhaqdhaqaaqii Soomaalida ay ku lahayd xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa laga dareemayaa xilligan hoos-u-dhac weyn oo dhinaca ganacsiga ah, iyadoo hoos u dhacan uu yimid kaddib markii ciidamada amniga Kenya ay billaabeen howlgallada lagu qab-qabanayo Soomaalida ku nool xaafaddaas.

Howlgallada ay wadaan ciidamada Kenya ayaa waxay saameyn ku yeesheen howlihii ganacsiga ee xaafadda Islii, iyadoo ganacsato badan oo Soomaaliyeed ay ka mid noqdeen dadka howlgallada lagu qab-qabtay.

Soomaalida ganacsiga ku lahayd xaafadda Islii ayaa qaarkood waxay ahaayeen kuwo aan haysan sharciyo ay dalkaas ku joogaan, taasoo keentay in ciidanku ay gacanta ku dhigaan, kuwaasoo qaarkood weli ku jira xabsiyada Nairobi.

“Dukaamada inta badan way xiran yihiin, ganacsatadii lahaydna waxay galeen dadkii howlgallada lagu qab-qabtay, taasoo keentay in dukaammada intooda badan ay xirnaadaan tan iyo billowgii bishii hore ee Abriil,” ayuu yiri Nuur oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dukaammada ku haysta xaafadda Islii.

Sidoo kale, ganacsadahan ayaa sheegay in dadkii ganacsi ahaanta u imaanayay xaafadda Islii ay iyaguna hoos u dhaceen, kuwaasoo inta badan ahaa Soomaali ku nool magaalada Nairobi.

“Dadku waxay ka baqayaan in la xiro, waana taas sababta keentay inay u soo bixi waayaan dibadda, ayna imaan waayaan dukaamada ganacsiga oo ay horay uga adeegan jireen. Ganacsigu habeen iyo maalin wuu furnaan jiray, waxaana imaan jiray dad badan oo wax iibsanaya, balse hadda taasi ma jiro,” ayuu Nuur ku daray hadalkiisa.

NAIROBI(Wajaalenews);Ganacsadahan ayaa koox wariyeyaal ah u sheegay inuu isagu haysto sharci uu ku joogo dalka Kenya, balse ay ciidamada ammaanka Kenya xireen, inkastoo ay maalmo kaddib soo daayeen.

“Waan furaa dukaankeyga maalin walba, laakiinse kalyantigii faraha badnaa hadda nooma yimaadaan, waa uun iska furnaa, waana iska xirnaa maqribkii, innagoo aanan waxba iibin, taasina dhibaato weyn ayay nagu tahay ganacsato ahaan,” ayuu Nuur yiri mar kale.

Dhanka kale, guddiga ganacsatada xaafadda Islii ayaa cod dheer ku sheegay in hadda ay dareemayaan hoos u dhac ganacsi oo soo wajahay Islii iyagoo tibaaxay in dadkii dalalka Afrika qaar ganacsiga uga imaan jiray ay yaraadeen.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga ganacsatada xaafadda Islii, Xuseen Aar oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay dareemeen 60% hoos u dhac ku yimid ganacsigii xaafadda Islii, taasoo uu xusay inay ugu wacan tahay howl-gallada lagu qab-qabanayo Soomaalida ee ay wadaan ciidamada amniga Kenya

COMMENTS
LINKS