|
|||||
WAJAALE NEWS
Fadeexadaha Dul-hoganaya Guddida Qaban-qaabada18-Ka May Iyo Is Dhex-yaacii Madaxtooyadda
May 20, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS);Guddidii heer qaran ee qaban-qaabada 18 May ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), u magacaabay xuska 23-guurrada ka soo wareegtay markii Somaliland dib-ula soo noqotay madaxbanaanideedii 18-kii bishii May ee 1991-ka, ayaa ku fashilmay qaabkii ay u soo agaasimeen munaasibadii lagu xusayay 18 May ee shalay (doraato), kuwaas oo aan samayn xataa goobo dad weynuhu ay ka daawadaan fantisiyaha iyo dabaal degyada kala duwan ee ay dhigayeen bulshada kala duwan iyo ciidamada qaranka Somaliland oo sixoog ah dareenkooda ugu muujinayey qaadiyada madax-bannaanidooda iyo siday beesha caalamka u tusaan rabitaanka gooni isu-taagooda. Maaweeladii xafladii lagu xusayey habeen hore 18 May ee lagu qabtay Qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa ku fashilmay inay soo bandhigaan riwaayad ka turjumaysa dareenka qaadiyada shacabka, kadib markii fannaaniintii sheeganaysay waayo arraga iyo qolyihii yar-yaraa is xaasideen, iyadoo fannaaniinta ka soo yaacay waddamada Yurub ay Mikirifoonadii ka xidhatay fannaaniintii reer Hargeysa ee dhigayey Riwaayadii Madaxtooyada waxaanay ahayd mid is dhex-yaac iyo jaah-wareer ah oo aanay ka muuqan wax habayn ah. Guddida Madaxweynuhu u magacaabay oo Magacyaddoodu kala ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta,Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda,La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirada badan yahay, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac, Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Xubin Ka mid ah Isu-tagga Dallada Hay’adaha Aan Dawliga ahayn (SONSAF). Sidoo kale, waxay guddidu xalay (habeen hore), gabi-ahaanba xafladii xarunta madaxtooyadda ay ka Xanimeen ama ka joojiyeen jaraa’idka, iyagoo ku casuumay tobaneeye Telefishan oo intooda badan aan laga lahayn dalka oo Soomaali weyn ah, kana soo horjeeda qaadiyada Somaliland . Tallaabada ay qaar ka mid ah warbaahinta kaga horjoogsadeen munaasibaddii xuska 18 May ee habeen hore ayaa ka mid ah dhaqamadda sii kala fogayn-kara warbaahinta iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ciidamada booliska ee ilaalada madaxtooyada ayaa warbaahinta hor-timi qasriga madaxtooyada ula dhaqmay si aad u fool-xun, kuwaas oo qoriga intay cabaysteen dhuunta ka saaray qori keebku furan yahay, waxaana khatar gashay naftooda, halka Warbaahinta qaranka Somaliland difaacda dibadda looga celiyey kuwa Soomaaliweyn iyo Xasan Sheekh u adeegana ay siidaayeen, ahna kuwa qaranka Somaliland ka faa,iida lacag oo kaliya ee hoosta dagaalka kula jira waana arrin qaranimada Somaliland dhaawac weyn ku ah haddii aan wax laga qaaban dhaqamada foosha-xun ee masuuliyiinta xukuumadu ku kacaan ama dhaawac weyn ku keenaysa hoggaaminta Madaxweynaha Somaliland. Geesta kale, Guddida Madaxweynuhu u saaray qaban-qaabada xuskii 18 May, ayaa qarashaadkii iyo lacagtii dawladu ugu talo gashay xuska 18-May aan la garanayn waxay ku bixiyeen, waxaanay warbaahintii caalamka, Wargeysyadii iyo Jaraa,idka gudaha dalka ka soo baxa ka door bideen shaqsiyaad ah Tilifeeshanada Soomaaliweynta ah iyo laba gudaha ah, uguna talo galeen xuska 18 May oo ah maalinta dhidibada loo taagay qaranimada iyo dawlada ay maanta hadhsanayaan shacab-weynaha reer Somaliland, waana mid ku ceeb ku ah qaran-nimada Somaliland. WAJAALENEWS DESK Related posts:Daawo: Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Somaliland Oo Ka Hadlay Hanaanka Loo Marayo Anshaxmarinta Cab... DAAWO;Madax-dhaqameedka Gobolka Gabiley Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Fuliyo Balan Qaadkii Ay... Wariye Maanta Ay Ciidamada RRU-du Si Badheedh Ah Gaadhi Ugu Dhufteen Jidh Dil Ba`ana U Gaystay COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|