|
|||||
WAJAALE NEWS
Dooxa Arabsiyo Oo Qaaday Wiil Dhalinyaro ah Oo ka Kamida Deegaanka Arabsiyo iyo Laba Gaadhi
May 5, 2014 - Written by Editor:Arabsiyo -(Wajaalenews)- Dooxa Magaalada Arabsiyo Oo Ah Doox Aan Lahayn Wax Biriish Ah Oo Ay Kaga Talaabaan Gawaadhida Iyo Dad’ku Marka Roobku Da’ayo Isla Mar waxa xidhma Isku Socodka Gaadiidka U Kala Goosha Gobolada Galbeedka Somaliland Iyo Caasimada Somaliland Ee Hargaysa Ayaa Ay Badiba Gaadiidlaydu Cabshooyin Badan Ka Muujiyeen in si uun wadadan loo marikaro in Ay Xukuumadu samay Kagana Codsanayaan Inay Si Dag-Deg Ah Wax Uga Qabato Dooxaasi . Dooxa Magaalada Arabsiyo Ayaa Wakhti Roobaadka Caqabad Ku Noqda Isku Socodka Gaadiidka Iyo Dadwaynaha Oo Kala Xidhma . Sida Ay Shabakada Wararka Wajaalenews Uu U Xaqiijiyay Mid Ka Mida Dadwaynaha Reer Arabsiyo Ayaa Caawa Abaaro 07:00 Fiidnimo Roob Ka Da’ayay Koonfurta Magaalada Arabsiyo Oo Sababay Inuu Soo Rogmado Dooxa Wayn Ee Magaalada Arabsiyo Uu Qaaday Laba Gaadhi Oo Noocyadoodu Kala Ahaayeen Seeraf Iyo Vits (TUKHAAN) Oo Si Is Moogaana U Dhex Socday Dooxa Oo Uu La Kulmay Daadku . Sida Wararka Na Soo Gaadhayaa Sheegayaan Dadkii Watay Ama La Socday Labadaas Gaadhi Ayaan La Garanayn In Ay Ka Badbaadeen Biyahaasi Dooxa Maadaama Oo Dadkii U Gurmaday Ay Gawaadhida Ka Dhex Waayeen Cidii Saarnayd Gawaadhida . Sidoo Kale Waxaa Biyaha Laga Dhex Helay Hal Mayd Oo Uu Daadku Ka Soo Qaaday Dhinaca Koonfurta Magaalada Arabsiyo Oo Magaciisa Lagu Sheegay Marxuum Khadar Cabdi Cali , Waxaa Kale Oo La Sheegayaa In Ay Jiraan Dhawr neef oo Geela Oo Uu Iyagana Daadku Ka Soo Qaaday Dhinaca Koonfureed Ee Magaalada Arabsiyo . Dhanka Kale Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Ayaa Iyaguna Gaadhay Dooxa Magaalada Arabsiyo Si Ay Gurmad Deg-Dega Uga Galaan Dhibaatadaasi .
WAJAALENEWS DESK GABILEY OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere Iyo Xil, Warfaa Oo Tartan Ugu Jira Buuxinta Jagada Guddoomiyaha Golah... Maxaa Sabab u ah Fashilka iyo Fool-xumada ka Muuqda Guddiga Qaban-qaababada Xuska 28-guurada Qaranni... Mayarka Caasimadda Ayaa Ka Warbixiyay Boqolaal Qoysas Oo Laga Rarayo Xeradda Birjeex, iyo Dhul Lagu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|