Dhacdo Naxdinle Nin Dilay Xaaskiisii Iyo Carruur uu Dhalay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhacdo Naxdinle Nin Dilay Xaaskiisii Iyo Carruur uu Dhalay
May 10, 2014 - Written by Editor:

BUUHOODLE(WAJAALENEWS);Nin Hubaysan, ayaa saaka Magaalada Buuhoodle ku dilay Xaaskiisii iyo Laba Carruur ah oo uu dhalay.

Ninkan ayaa sidoo kale rasaas uu ku furay qoyskiisa ku dhawaacay nin kale oo ka mid ahaa dad u soo gurmaday xaaska iyo carruurta uu laayey, waxaana lagu soo waramayaa in ninkani wakhtiga uu rasaasta furay oo ahayd subaxdii hore ee saaka uu aanu Miyir ahaan fayoobayn, loona maleynayo inuu cabsanaa.

Lama oga in la qabtay gacan ku dhiiglaha falkan naxariis darada ah geystay, hasa-yeeshee ninka dhaawacu soo gaadhay ayaa loo qaaday Magaalada Burco, si xaaladdiisa caafimaad loogula tacaalo Cisbitaalka guud.

Mudooyinka ayaa waxaa dhulka somlidu dagto kuso badanaya dhacdooyin foolxun kuwasi oo dhex mara qoysas iyo umadkooda

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS