|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Kenya Oo Sheegtay In Ay Dardar Galinayaan Ugaadhisiga Ay Ku Hayaan Somalida Ku Nool Magaalada Nairobi
May 5, 2014 - Written by Editor:Nairobi(wajaalenews)War-saxaafadeed ka soo baxay goordhow xafiiska madaxweynaha ku-xigeenka Kenya, William Rutu ayaa lagu sheegay in la dardar gallin doono howgallada ka dhanka Soomaalida ku nool magaalooyinka dalka Kenya gaar ahaan Nairobi. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Kenya aaney marnaba isku dhiibi doonin kooxo falal ammaan dari ka wada dalkeeda. Hadalkan ayuu sheegay iyadoo qaraxyo ay weli ka socdaan dalka Kenya, kuwaasoo dhaliyay khasaaro dhimmasho iyo dhaawac. Weerarkii ugu dambeeyay habeenkii xaley ayaa lagu qaaday basaska dadweynaha kuwaasoo ka baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Ugu yaraan seddax qof ayaa ku dhintay in ka badan 60 kale oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhaawacmay labada qarax sidda ay lee yihiin booliska iyo hey’addaha caafimaadka. Ma jirto cid ilaa hadda sheegtay qaraxyada xaley ka dhacay Nairobi. Kenya dhawaanahan waxa ka dhacayay qaraxyo kuwaasoo lagu eedeeyay ururka Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya
wajaalenews Hargeuisa/office Related posts:Daawo:Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Si Xeeldheer Uga Hadlay Taariikhdii Iyo Waayihiisii S... Gudida Qaban Qaabada Shirwaynaha Xisbiga Wadani Oo Shaaciyay Mudada la Qabanayo Araajida Musharixiin... Komishanka Doorashooyinka Oo Mudo Dheeraada Ku Daray Wakhtiga Kaadh Qaadasha Ee Gobolka Togdheer. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|