Dawlada Kenya Oo Baadi Goobaysa Maydadka 12ka Mid Ah Ciidankeeda Oo Ku Dhintay Dagaalo Ay La Galeen Alshabaab | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Kenya Oo Baadi Goobaysa Maydadka 12ka Mid Ah Ciidankeeda Oo Ku Dhintay Dagaalo Ay La Galeen Alshabaab
May 20, 2014 - Written by Editor:

Nairobi(Wajaalenews)Wararka Laga Helaayo Magaalada Mandheera Ee Gobolka Waqooyi Bari Ee Dalka Kenya, Ayaa Waxay Sheegayaan Ciidamada Dowladda Kenya Inay Raadinayaan Meydadka 12 Askari Oo Kenya Ah.

Askartaan Waxaa Shalay Lagu Dilay Dagaalo Dhowr Goor Dhex Maray Al Shabaab Iyo Ciidamada Kenya, Oo Ka Dhacay Deegaanada Ku Dhow Dhow Xadka Somaliya Iyo Kenya.

Ciidan Xoogan Oo Kenyan Ah, Ayaa Waxaa Lagu Arkay Xadka Somaliya Iyo Kenya, Ku Waas Oo Ujeedadooda Lagu Sheegay Inay Raadinayaan Meydadka 12 Askari Oo Kenya U Dhashay.

Noah Mwivanda, Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Magaalada Mandheera, Wuxuu Shaaca Ka Qaaday In Dagaalka Looga Dilay 12 Askari, Markii Ay Dagaal Culus La Galeen Ciidamada Al Shabaab.

Taliyaha Oo La Hadlay Warbaahinta Kenya, Wuxuu Sheegay Al Shabaab Inay Xoojisay Weerarada Ay Ka Geysaneyso Dalka Kenya, Iyadoo Uu Xusay Inay Khatar Ku Tahay Amniga Kenya.

 

Wajaalenews.Net

 

Hargeisa/Somaliland

C/Raxmaan Carab Daaud

 

COMMENTS
LINKS