Dalladda SONYO Oo Qalab Ciyaareed Guddoonsiisay 12 Kooxood Oo Ka Dhisan Degmada Axmed Dhagax Ee Caasimadda Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalladda SONYO Oo Qalab Ciyaareed Guddoonsiisay 12 Kooxood Oo Ka Dhisan Degmada Axmed Dhagax Ee Caasimadda Hargeysa.
May 22, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News):- Dalladda Heer Qaran ee Ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa deeq qalab ciyaareed ah waxa ay Guddoonsiisay Masuuliyiin ka kala socday Xidhiidhka kubadda cagta, wasaaradda Ciyaaraha iyo masuuliyiinta kooxda Duufaan iyada oo halkaasi ku guddoonsiisay Deeq ka kooban dirays ciyaareed, Kubbado iyo Koob weyn kuwaasi oo la guddoonsiiyey 12 Kooxood oo ka mid ah kooxaha Heerka labaad ee kubadda cagta Hargeysa.

Munaasibadda Guddoonsiinta Deeqdan oo ka dhacday Xafiiska Agaasimaha Fulinta SONYO waxa labada dhinac ku kala guddoomeen qalabkaasi muhiimka u ah Ciyaaraha.

Agaasimaha Fulinta Dalladda SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed ayaa sheegay in ay muhiimadda

ugu weyn siinayaan dhiirri gelinta iyo kor u soo qaadka ciyaaraha kala duwan ee dhallinyaradeena faa’iidada ballaadhan u leh isaga oo xusay in mashruucan kor u qaadka iyo dhiirri gelinta ciyaaruhu ka socdo dalka oo dhan dhawaana gobolo kale oo dalka ka mid ah SONYO qalabo ciyaareed gayn doonto kana hir gelin doonto tartamo ciyaareed iyada oo la kaashanaysa wasaaradda ciyaaraha iyo waxbarashada. Dhawaan ayay ahayd markii SONYO tartamo ciyaareed oo aad u ballaadhan ka soo hir gelisay degmada Boorama oo tartamo kala duwan loogu soo qabtay dugsiyo badan oo ka dhisan magaalada Boorama halkaasi oo tartamadaasi ka sakaw qalab ciyaareed la siisay kooxaha dugsiyadaasi u tartamayay lana filayo in mashruucan ballaadhani soo socon doono.

“Sharaf weyn ayay noo tahay in aan halkan idinku guddoonsiino qalab ciyaareed oo ka kooban dirayska kubadda cagta oo dhammays tiran, Kubbado iyo Koobka tartanka lagu kala qaadi doono in aanu idinku wareejino oo ah 12 kooxood oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ama Seria B-da loo yaqaano. Waxa uu dadaalkani qayb ka yahay dadaalo muddoba dalladdu ku hawlanayd oo lagu dardar gelinayo kor u qaadka ciyaaraha dalkeena si dhallinyarada loogu dhiirri geliyo” ayuu yidhi Agaasimaha SONYO oo deeqda qalabkan ciyaareed ku warejiyey Guddoomiyaha Garsoorka kubadda cagta Khadar Jiilaal, Cismaan Jaahuur iyo Guddoomiyaha Naadiga kubadda cagta ee Duufaan oo iyagu u guddoomay 12 Kooxood oo heerka koowaad ah oo ka dhisan degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Kooxahan ayaa tartan kubadda cagta ahi maanta oo Khamiis ah uga furmayaa Garoonka weyn ee Hargeysa Stadium ee magaalada Hargeysa iyada oo masuuliyiintii qalabkan SONYO ka guddoomay si weyn ugu mahad celiyeen dalladda SONYO oo ay ku tilmaameen mid dadaal weyn ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa isboortiga dalkeena.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS