Dagaal Aad U Culus Oo Ka Dhacay Degmada Balad Xaawo Ee Gobolka Gedo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal Aad U Culus Oo Ka Dhacay Degmada Balad Xaawo Ee Gobolka Gedo
May 5, 2014 - Written by Editor:

Balad Xaawo(Wajaalenews)Wararka Aan Ka Heleyno Degmada Balad Xaawo Ee Gobolka Gedo Ayaa Sheegaya In Halkaasi Uu Kasocdo Dagaal Culus Oo U Dhaxeeya Ciidamo Ka Yimid Degmada Doolow Iyo Ciidamo Kale Oo Kusugnaa Degmadaasi.

Dagaalka Ayaa Qarxay Kadib Markii Ciidamo Badan Oo Daacad U Ah Gudoomiyaha Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo Ay Gaareen Degmada Balad Xaawo , Ciidamada Doolow Ka Duulay Ayaa La Sheegay In Ay Taageersan Yihiin Maamulka KMG Ee Jubba.

Ciidamada Ku Dagaalaaya Degmada Balad Xawao Ayaa Kawada Tirsanaa Ciidanka Dowlada Soomaaliya , Waxaana Goob Joogayala Kusugan Degmada Balad Xaawo Soo Sheegayaan In Dagaal Culus Oo Hubka Nuucyadiisa Kala Duwan La Isku Adeegsanayo Uu Halkaasi Kasocdo.

Waxaa Lasoo Warinayaa In Ay Jiraan Qasaarooyin Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhashay Dagaalka Kasocda Degmada Balad Xawao , Waxaana Balad Xawao Maanta Isaga Barakacay Inta Badan Dadkii Rayidka Ahaa Ee Ku Dhaqnaa.

 

Wajaalenews.Net

Hargeoisa/Office

COMMENTS
LINKS