|
|||||
WAJAALE NEWS
Codka Halkaa Lagaga Hadlay Mid Somali Dan Ugu Jirto Maaha,Adeer Ka Sool Degan Iyo Ka Hargaysa Deganba Ma Matalaan Nimanka Halkaas Ka Hadlayey””” Afhayeenka Madax Dhaqamedka Puntland
May 20, 2014 - Written by Editor:Garoowe(Wajaalenews)Afhayeenka Isimada Puntland Ayaa Ka Soo Horjeedsaday Aqoonsigii Ay Madax Dhaqameedkii Koonfurtu Siiyeen Somaliland Isgaoo Sheegay Inaanay Matalin Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdilaahi Ciid Oo La Hadlayay Warbaahinta Puntland Ayaa Cambaareeyay Hadalkii Ay Madax Dhaqameedka Somaliya Ka Sheegeen Xafladii Xuska 18ka May Ee Ka Dhacday Qasriga Madaxtooyada Somaliland Isagoo Arimaha Ka Hadlaya Waxa Uu Yidhi “ Odayaasha Leh Anaga Ayaa Matala Nama Matalaan,Odayaasha Xamar Ka Tagay Ma Matalaan Isimada Somaliya , Waxay Sheegteen Waxanu Nahay Garaado Iyo Isimo Waxanu Leenahay Nama Matalaan , Waxay Sheegteenba Ha Ahaadeen Ama Yaanay Ahane , Codka Halkaa Lagaga Hadlay Mid Somali Dan Ugu Jirto Maaha,Adeer Ka Sool Degan Iyo Ka Hargaysa Deganba Ma Matalaan” Ayuu Yidhi Garaad Cabdilaahi Isagoo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Sheegay Inuu Isagu Asal Ahaan Ka Soo Jeedo Gobolka Sanaag Ee Somaliland Waxanu Yidhi “Anigu Waxan Ahayn Nin Daarood Ah Oo Ka Soo Jeeda Sanaag, Ka Kayimid Somaliya Ee Sheeganaya Inuu Na Matalo Adeer Waxan Kuu Sheegayaan Inaanu Na Matalin, Waa Lugooyo Somaliyeed, Kuwa Leh Waanu Goosanay La Yaabi Maayee Dantoodu Waxay Jirtaa Somaliya Dhexdeeda, Maaha South Suudaan Iyo Turkey Meelna,Laakin Kii Borama Ka Hadlayay Iyo Kii Xamar Ka Hadlayay Labadu Way Qaldanyihiin” Ayuu Intasi Raaciyay Garaadka Guud Ee Isimada Maamulka Puntland Waxanu Sheegay In Aqoonsiga Somaliland Uu Ka Go,O Somalida Dhexdeeda Laakin Madax Dhaqamedka Ka Yimid Somaliya Aanay Matalin Ka Isimo Ahaan Waxanu Sheegay In Hadii Dib Loo Eego Taariikhada “Waxan Doonayaa Inaan U Dhamaystiro ,Xiligaa Lixdankii Ahayd Hadii Tirada Xiligaa Lagu Celiyo Hadii La Yidhaah Yay Taladu Ka Go,Daa Waxay Ka Go,Daa Somali,Da”Garaad Cabdilaahi Garaadka Ayaa Sheegay Inaanu Ka Isim Ahaan Ka Hadlay Siyaasad Laakin Ay Ka Taagan Yihiin Qaybtii Dhaqanka Oo Somalidu Waligeedba Leedahay“Anagu Siyaasad Kamaanu Hadal Wada Hadalkaa Siyaasaded Ee Hoose Yay Siyaasadi Ka Go,Daa ,Talo Somaliyeed Oo Dhex Taal Dhinacayaga Iyo Somalida Ayanu Ka Soo Fadhiisanaynaa, Gobolka Sanaag Waxa Uu Leeyahay Isimo Waana Qabaail ,Midwaliba Waxa Uu Leeyahay Ardaa, Golaha Isimada Oo Qabaailkaasi Leeyahay Marka Ay Is Arkaan Wixii Ka Soo Baxa Ayaa Lagu Qadhmayaa, Aniga Ayaa Dadka Casuumaya Layma Casuumi Karo” Ayuu Yidhi Garaad Cabdilaahi Ciid Oo Ah Afhayeenka Isimada Maamulka Somaliyeed Ee Puntland Waxay Ahayd Maalintii 18ka May Markii Madax Dhaqameedka Ka Yimid Koonfurta Somaliya Ay Goob Jog U Ahaayeen Dabaal Degii Ay Samayneen Shacabka Reer Somaliland Iyadoo Ciidamaduna Dhoolatus Iyo Gaardis Hortooda Ku Mareen Madaxdhaqameedkuna Sheegeen Inay Aqoonsadeen Somaliland
Wajaalenews.Net Hargeisa/Somaliland C/Raxmaan Carab Daaud
Related posts:“Waxan Mahad Gaar Ah Udirayaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Iyo Wax Garadka Laascaanood, Ee Iska Fa... DAAWO;-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhacay Muqdisho Oo Uu Ku Dhintay Gen Gala... Xildhibaan Ka Tirsan Golaha guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Saddex Wasiiro Oo Muqdisho Iska Dhiiba... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|