Ciidamada Somaliland Oo Galay Degmada Saax-Dheer Ee Gobolka Sool Oo Uu Ku Sugnaa Cali Khalif Galaydh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Somaliland Oo Galay Degmada Saax-Dheer Ee Gobolka Sool Oo Uu Ku Sugnaa Cali Khalif Galaydh.
May 17, 2014 - Written by Editor:

Sool(Wajaalenews):-wararka naga soo gadhay gobalka sool ayaa sheegay in ciidamada qaranka somaliland ay mar dhaweed  galeen deeganka saax-dheer  halkaasi oo uu ku sugnaa cali khaliif galaydh kaas oo ay ciidamadu ay rabeen in gacanta ku soo dhigan.

cidanka qaranka

Warka ayaa intaas ku daraya in cali khaliif galaydh uu olale uu  ka waday Degaanka Saax-dheer oo 90Km Magaaladda Laascaanood ka xigta  Koonfur Galbeed

Sidoo kale wararka ayaa  sheegaya in Cali Khaliif Galaydh uu Saax-dheer u joogay sidii uu uga heli lahaa Ergooyin ka qayb gala Shir Kooxda Khaatumo ku yeelanayso degaannada Taleex.

Masuul sare oo Ciidanka Somaliland u hadlay kaas oo Idaacadda BBC-da la hadlay ayaa tilmaamay  in ay halkaasi ay ka baacsadeen Cali Khaliif Galaydh iyo Koox uu watay oo uu sheegay inuu halkaasi ka waday arimo isku dir iyo isku horimad ah oo uu dhex dhigo  dadka deegankasi  degan.

Dhinaca kale Wararka laga helayo deeganadaasi ayaa sheegaya in Is-rasaasayni dhex martay Ciidanka Somaliland iyo Kooxda uu watay Cali Khaliif Galaydh.

Wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadkaas lama sheegin Galintaanka ay ciidmada qaranka somaliland ay galeen deeganka  Saax-dheer ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan laba beelood oo wada dega  Deegaanaddaasi uu dhexdhacay dil kaasi  ka dhacay  Degmada Maygaagle

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS