|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Kala Taageersan Abuu Zubeyr Iyo Abuu Mansuur Oo Maanta Dagaal Culus Uu Ku Dhax Maray Degmada Saakow
May 9, 2014 - Written by Editor:Muqdisho(Wajaalenews)Wararka laga helayo Degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhaxe ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo kala taabcsan Amiirka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Mutaar Abuu Zubeyr iyo Ciidamo kale oo daacad u ah Sheekh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur). Goob joogayaal kusugan Degmada Saakow ayaa u xaqiijiayy Qaar kamid Idaacadaha Magaalada Muqdisho in manta dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan uu ka dhacay Degmada Saakow walina halkaasi xiisad laga dareemayo. Ku dhawaad shan qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay ayaa la xaiijiyay in ay dagaalkaasi ku dhinteen tiro kalana ay dhaawacyo soo gaareen , waxaana wali laga dareenayaa goobihii lagu dagaalamay kacsanaan iyo cabsi dagaal. Lama oga ilaa hada waxa keenay dagaalka dax maray Ciidamada kawada tirsan Al-Shabaab , waxaana xusid mudan in Amiirka Al-Shabaab Abuu Zubeyr iyo Sheekh Muqtaar Roobow ay kala fogaadeen fikir ahaan uuna Sheekh Roobay ka baxsaday Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose. Al-Shabaab kama aysan hadlin warkan sheegaya in ciidamo dhaxdooda ah ay Maanta dagaalameen , waxaana inta badan Xaraka Al-Shabaab aan looga baran ka hadalka dagaalada iyo qalalaasaha dhaxdooda ka dhaca.
Wajaalenews.net Hargeisa/office Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|