Cali Khaliif Galeydh oo Tageeray xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cali Khaliif Galeydh oo Tageeray xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya
May 11, 2014 - Written by Editor:

BUUBOODLE(WAJAALENEWS);Xildhibaan Cali Khaliif Galeydh oo toddobaadyadii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Buuhoodle ayaa sheegay manta inuu taageerayo xildhibaanada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbaday inuu xilka iska casilo.

Galeydh oo shir jaraa’id maanta ku qabtay degmada Buuhoodle ayaa sheegay in uu si buuxda u taageersan yahay in laga dalbado madaxweynaha Soomaaliya in uu xilka ka dago, maadaama uu ku guuleysan waayay howlihii loo igmaday.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in madaxweynuhu uu baal-maray howlihii looga baahnaa inuu dalka ka qaqbto makii loo doortay xilka madaxweynenimo, taasna ay tahay sababta keentay in maanta la dalbado inuu xilka ka dago.

“Madaxweynuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu dhameysto xilliga loo doortay inuu xilka hayo, balse iyadoo la qiimaynayo waxqabadkiisa ayay taasi noqon waday mid suuro-gasha, waayo wuxuu lumiyay kalsoonidii dadka,” ayuu yiri Galeydh oo intaas ku daray inuu isagu ka mid ahaa xildhibaannadii xilli hore billaabay  inuu u ololeeyo inuu madaxweynuhu xilka ka dago.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa raaciyay inuu madaxweynuhu ku guul-darerystay arrimo ay ka mid yihiin sameynta federaalka, isagoo ku eedeeyay inuu ka hor-yimid, isagoo sheegay inuusan xiriir wanaagasan la sameyn maamullada dalka ka jira.

“Ragga ololaha xilka looga qaadayo madaxweynaha wada waxaa ka mid ah rag magac iyo shar ku leh dalka; qaar badani oo ka mid ahna madax ayay dalka ka yihiin, waxaana ka xusi karaa; C/qaadir Cosoble Cali, C/llaahi Jaamac, Xasan Macallin iyo qaar kale waxaa kulka ka keenayna wax sahlan maaha,” ayuu yiri Cali Khaliif; isagoo tilmaamay inuu taageersan yahay marka ay u baahdaanna uu taageeri doono si uu codkiisa u dhiibto.

Hadalka xildhibaan Galaydh ayaa qayb ka ah ololaha la doonayo in kursiga lagu dhaafiyo hoggaamiyaha dowladda Soomaaliya, iyadoo dadaalka xildhiabannada uu marba marka ka dambeysa ay xubno cusub kusoo biirayaan.

COMMENTS
LINKS