Booliska Magaalada Burco Oo Maanta Xabsiga U Taxaabay Arday Iska Hor-Imaad Qabiil Ku Dhex Maray Mid Ka Mid Ah Dugsiyada Ku Yaal Magaaladaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliska Magaalada Burco Oo Maanta Xabsiga U Taxaabay Arday Iska Hor-Imaad Qabiil Ku Dhex Maray Mid Ka Mid Ah Dugsiyada Ku Yaal Magaaladaasi
May 6, 2014 - Written by Editor:

Burco(Wajaalenews)Waxaa Maanta Magaalada Burco Ee Gobalka Togdheer Ka Dhacay Iska Hor Imaad Ay Sameeyeen Ardayda Wax Ka Barata Dugsiyaga Sare Ee Sheekh Bashiir Kaasi Oo Ku Salaysan(Qabiil).

Wararka Hada Na Soo Gaadhaya Ayaa Sheegaya In Ilaa Labaatab Arday Loo Taxaabay Saldhiga Dhaxe Ee Magaalada Burco Kadib Markii Ay Wasaarada Waxbarashada Iyo Maamulka Gobolka Togdheer Ay Maaro U Waayeen In Ay Xaliyaan Noocan Iska Hor Imaad Ee Ka Dhacay Gudaha Magalada Burco.

Iska Hor Imaadkan Ayaa La Sheegayaa In Ay Ka Danbaysay Ka Dib Markaa Dhawaan La Badalay Isuduwaha Gobolkaasi Ee Wasaarada Waxbarashada

Bishii Labaad Ee Sanadkan Ayaa Iska Hor-Imaad Dhex Maray Arday Dugsi Wada Dhiganaysay Magaalada Burco, Waxaanay Taasi Sababtay Inay Xukuumaddu Olole La Dagaalanka Qabyaalada Ah Oo Ardayda Lagu Wacyi-Gelinayso Ka Fuliso Magaalada, Hase Ahaatee Arrintani Waa Mid Wali Soo Noqnoqonaysa Tan Iyo Markii Ay Dawlada Siilaanyo Talada Dalka La Wareegtay.

Dhinaca Kale Dadwayanaha Reer Burco, Ayaa Is Waydiinaya Waxa Arimahan Ay Xal Ugu Wayday Dawlada Iyo Maamulka Gobolku Maadaama Ay Arintani Nabadgelyo Daro Ku Keeni Karto Gobolka.

Arimaha Farta Lagu Fiiqayo Ee A Loo Aanaynayo  Iska Hor-Imaadyada Ardayda Waxaa Ka Mid Ah Dugsiyada Dawlada Oo Isu Bedelay Kuwo Ay Dad Yeesheen Isla Markaana Ay Dugsiyada Qaar Oo Uu Ka Mid Yahay Dugsiga Sheukh Bashiir Aan Laga Bedelin Maamulkiisa 18 Sanaddood

“Ma Yeelayno In Maamule Dugsi Iska Yeesho Oo Uu Sideed Iyo Toban Sano Iska Joogo Waa In Wax Laga Qabtaa”Sidaas Waxa Yidhi Wasiiru Dawlaha Maaliyada Somaliland Cismaan Saxariid (Cadaani) Oo Bishii Feberuary Khubad U Jeedinayay Arday Dugsi Waxbarasho Ku Jira”.Wasiiru Dawlaha Maaliyada Ayaa Kormeer Uu Kaga Wacyi Galinayay Ardayda Iyo Dhalinta Burco Qabyaalada Ka Waday Magaalada Burco, Xiligaasi.Laakiinse Ilaa Hada Waxba Iskamay Bedelin Arrinta Uu Wasiir Cadaani Xiligaasi Ka Dhawaajiyay.

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

COMMENTS
LINKS