Boobe Yuusuf Ducaale, Oo ka hadlay Odayaal dhaqmeed Kontameeyo ah oo ka yimid Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boobe Yuusuf Ducaale, Oo ka hadlay Odayaal dhaqmeed Kontameeyo ah oo ka yimid Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya
May 8, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews)Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa waxa uu ka hadlay Odayaal dhaqmeed Kontameeyo ah oo ka yimid Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay inay wakhti fiican booqashoodu ku soo beegantay, isla markaana ay indhahooda ku arki doonaan Shucuurta iyo debaal-dega Shacbiga reer Somaliland.

Boobe Yuusuf Ducaale, waxa uu sheegay inaanay Xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo iyo Shacbiga reer Somaliland aanay isku ogayn Casuumadda ay Waftigani ku yimaadeen Hargaysa, isagoo sheegay inaan Qadiyada qarankani ay ka dhaxayso Somaliland oo dhan, waxaanu yidhi “Shalay laba dhacdo oo taariikhiya ayaa

Hargaysa ka dhacay, waa mida hore Madaxweynaha Somaliland ayaa tagay xarunta Baarlamaanka Somaliland si uu halkaas uga akhriyo Khudbad sanadeedkiisii dastuuriga ahayd oo uu arrimo badan ku soo qaaday, inkastoo laga dardaar weriyey inay khudbadaasi ahayd tii uu ka akhriyey Shirweynihii KULMIYE oo laga saar-saaray intii KULMIYE, haddana shalay xaqiiqo dhab ah ayey ahayd in Madaxweynuhu uu hor taagnaa Baarlamaanka Somaliland.

Hadallada hal ku dhiga ahaa ee Madaxweynaha ka soo yeedhay waxa ka mid ahaa waxa dadka reer Somaliland isku ogyihiin inaan Madax-banaanida Somaliland aanay ahayn wax la taaban karo, dadkuna ay difaaceeda u bixinayaan ilaa dhibicda u dambaysa ee dhiigooda, midhkaas heshiis ayaanu ku nahay waa la isla ogyahay waa mid nidar, dhaar iyo axdiba ay ku mareen dadka reer Somaliland”. ayuu yidhi Mr Boobe Yuusuf Ducaale.
waxa uu intaas ku daray “Waxa isla shalay goor gelinkii danbe ah Madaarka ka soo dagay Odayaal dhaqmeed lagu qiyaasay 45 ilaa 60 Xubnood oo ka yimid Magaalada Muqdisho oo loo badinayo inay ka soo jeedaan beesha HAWIYE, oo booqasho ku yimid Somaliland.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa wixii la qariyo qudhun-baa ku jira Waftiga intaas leegi markii uu Madaarka ka soo degay hadii sheegi waayo waxa uu u socday, cida casuuntay iyo cida halkan ugu yeedhay, markaa dadku xaq-bay u leeyihiin tuhunkasta oo Madaxooda ku soo dhaca inuu ka dhasho meesha. waxa kale, Soomaalidu tidhaahdaa Dharaar-baa xalaal la qashaa, hortu wahti fiican ayey yimaadeen oo aanu u dabaal-degayno Sanad-guuradii 23aad ee Madax-banaanida Somailand ee Maalintii aanu la soo noqonay ee 18-ka May, waxa hubaal ah inay ku indho dilaacsan doonaan debaal-dega ay Shacbiga reer Somaliland ku jiraan, ee aanu aqlabiyadoodu ka war ahayn is-raacii iyo midnimadii.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale
Mr Boobe Yuusuf Ducaale isagoo ka hadlaya Martiqaadka ay Hargaysa ku yimaadeen ayaa waxa uu yidhi “Martiqaadka caynkaas ah hadii Xukuumaddu bixisay waxaanu isku ogayn maaha, waxay dadka isku ogaayeen maaha, somaliland reer malaha, somaliland Isaaq malaha, somaliland beel HAWIYE ahi intay Xamar ka timaado halkan (Hargaysa), kula gor-gortami mayso, horta mawduucaasi mid laga gor-gortamo maaha, mida labaad Somaliland waxa leh dadka reer Somaliland ee u dhaxeeya Lawyacado iyo Ceelaanyo ee dir iyo daaroodba leh oo arrinkeedu ka go’aa, wax maanta laga wada-hadlaayana maaha waa arrin 18-kii May 1991-kii ku dhammaaday Magaalada Burco, waa arrin dib loo jadiidiyey 1993-kii iyo 1997-kii, waa arrin afti looga qaaday Shacbiga reer Somaliland 31-kii May 2001-dii markii Dastuurka aftida loo qaaday. booqashooyinka caynkan ah ee laab la kaca ah ee Sarka xaadiska ah,  ee aan qotanka iyo dhumucda lahayn digasho ayaanu u arkaynaa sidii Odayaal soomaaliyeed loo soo dhawayn jirey ayaanu idin soo dhawayn doonaa 18-ka May idhaha ayaanu idinka marin doonaa Calanka ayaanu idin xidhi doonaa.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS