AMISOM oo sheegtay in Kenya iyo Sucuudiga kala hadleen Tarxiilka Somalida | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
AMISOM oo sheegtay in Kenya iyo Sucuudiga kala hadleen Tarxiilka Somalida
May 16, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO(WAJAALENEWS);Col. Xumad ayaa sheegay inay baaq arrintan ku saabsan u direen mas’uuliyiinta kala duwan ee xukuumadda Kenya, ayna ka dalbadeen inaysan dhibaateyn dadka Soomaaliyeed ee magan-ta u ah.

“Kenya waan kala hadalnay raafka ay ku hayso Soomaalida, waxaana u sheegnay inay joojiyaan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed iyo tarxiilkooda, maadaama ay yihiin dad magan-galyo u tagay degmadaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Xumad.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inay dowladda Sucuudiga kala hadleen inay joojiyaan Soomaalida lagu dhibaateynayo xabsiyada iyo tarxiilkaba, ayna ku boorriyeen inay tixgelin gaar ah siiyaan Soomaalida dalkooda ku nool.

Dalka Sucuudiga oo ahaa dal ay inta badan ka yimaadaan Soomaalida lasoo raafo ayaa waxaa ku biiray tan iyo bishii lasoo dhaafay dalka Kenya oo isaguna billaabay inuu iska soo tarxiilo Soomaalida aan sharciga lahayn.

Kenya ayaa waxay saddex jeer oo kala duwan kasoo tarxiishay dalkeeda Somali tiradoodu gaarayso 173-qof, kuwaasoo isugu jiray rag, dumar, waayeen iyo carruur, kuwaasoo toddobaadyo lagu hayay xabsiyo ku yaalla magaalada Nairobi.

Hadalka afhayeenka AMISOM ee ku aaddan Soomaalida laga soo tarxiilayo Kenya iyo Sucuudiga ayaa imaanaya iyadoo weli ay labadaas dal wadaan qabqabashada dadka Soomaaliyeed ee dalalkooda ku nool, si ay dib ugu soo celiyaan Somalia.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday Kenya inay joojiso xariga ay ku hayso Soomaalida ku nool dalkeeda, waxaase dowladdu ay sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u soo ceshato Soomaalida aan sharciga ku lahayn dalkaas

 

 

COMMENTS
LINKS