Akadamiga Suugaanta Oo Xogo Dheeraad Ah Ka Ka Helay Xaaladda KULMIYE: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Akadamiga Suugaanta Oo Xogo Dheeraad Ah Ka Ka Helay Xaaladda KULMIYE:
May 30, 2014 - Written by Wariye:

Macangagnimda Siilaanyo, Maansamida Xirsi, Meehannawga Guddiga iyo Guusha Mujaahid Muuse ee berri ! Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa xusaya in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud uu si weyn uga biyo-diiday waanwaantii la rabay in la isugu soo dhaweeyo isaga iyo Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka Mujaahid Muuse Biixi Cabdi. Waxyaabaha uu Madaxweynuhu kaga cawday Muuse Biixi waxa ka mid ahaa 1.      In uu jidgooyo u galay xilligii uu socday halganka SNM 2.      In uu ku dirqiyay saxeexa wareejinta Xisbiga KULMIYE sannadkii 2008da oo la dooranayay murashixiinta Xisbiga uga qayb-gelaysa doorashadii 2010ka 3.      In uu ka dambeeyay aasaaska Golaha Wadatashiga iyo Toosinta 4.      In uu cunaha qabtay markii uu la wareegay talada dalka oo uu bil gudaheed kaga tirsaday guddoomiyenimada Xisbiga. 5.      In uu ka dambeeyo qoraayada iyo dhallinyarada dhaliila xukuumaddiisa Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu tilmaamaa nin aan godobtiisa illaawin oo ka aargoosta ciddii ay mar isa-seegaan waxaana laga yaabaa in uu xasuusan yahay Shirweynihii SNM ee lagu doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xasan Ciise Jaamac sannadkii 1990ka oo uu shirgudoon ka ahaa Muuse Biixi Cabdi. Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan  oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa la sheegay in uu ergo culus ka galay deminta xaaladda aloosan. Hadallada uu yidhi Wasiirku, waxa ka mid ahaa ”Madaxweyne, haddii aynu luminnay Hawd iyo Hargeysa oo aynu Xaqsoor ku tacaddinay, waxa aad ogaataa in aynu cidla’ istaagaynno haddii aynaan u tanaasulin guddoonka xisbiga. Waad la socotaa in uu Dhegaweyne Hargeysa joogo waxa la sheegayaa in uu kurka jaray gaadhigiisa, halkan waxa fadhiya Mujaahid Xasan Guure, haddii aynu collaysanno halgameyaasha aynu midba meel kaga dhaqaaqnay sidee ayaynu qaranka u hagi karnaa?” Wararka uu Akadamiga Suugaantu ka helayo ilo u dhuun-daloola Madaxtooyada ayaa tibaaxaya in la isla qaadaadhigay sidii loo dejin lahaa xiisadda cakiran ee hadhaysay xukuumadda iyo xisbigeeda

COMMENTS
LINKS