|
|||||
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey Oo Ka Hadlay Odayaashii Dhaqanka Soomaaliya Oo Dalkoodii Dib ugu Noqday Isla Markaana Fariin U Direy Beesha Caalamka iyo Xukuumada Soomaaliya
May 23, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)- Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa ka waramay in Odayaashii Dhaqanka Soomaaliya ay guud ahaantood dib ugu noqdeen dalkoodii hooyo oo ay nabad tageen Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay nabad ku gaadheen dalkoodii odayaashii dhaqanka Soomaaliya ee Todobaadyadii ugu danbeeyey Booqashada ku joogay Somaliland Suldaan Xiirey oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “ Odayaashii Dhaqanka Soomaaliya Saaka ayey ku nabad noqdeen dalkoodii hooyo iyadoo caleemo qoyan lagu qaabiley oo Suldaan walbana waxa soo dhaweeyey Beeshiisii iyo Xildhibaankiisii nin waliba saacadan waxa uu ku sugan yahay gurigiisii waanay nabad qabaan” Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa waxa uu markale mahadnaq u direy Hogaanka Dhaqanka Soomaaliya isaga oo arintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi ” Waxan halkan Mahadnaq balaadhan uga soo jeedinayaa mar labaad iyo mar sadexaadba odayaasha xilkaska ah ee ka yimi bahda dhaqanka Soomaaliya ee sida qiimaha iyo walaalnimada leh uga falceliyey waxyaabihii ay kala kulmeen bulshada reer Somaliland iyo sidoo kale sida ay u qiimeeyeen qadiyada qaran-nimada Somaliland “ Suldaan Xiirey oo wax laga weydiiyey Muga iyo Miisaanka uu yeelan karo aqoonsiga ay ku dhawaaqeen odayaasha dhaqanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inay aad ugu hanweyn yihiin in aqoonsigani noqdo mid anfacaya Qaranka Soomaaliya isla markaana ay yihii cidii sida dhabta ah ay wax uga dhexeeyeen bulshada caalamkuna ku xidhaysay aqoonsigooda isla markaana ay Siyaasiyiintooda iyo bulshadooda kalena ay ku matalayeen go’aankooda Suldaan Xiirey waxa uu eedo kulul usoo jeediyey Siyaasiyiinta Somaliland isagoo fariin culusna u maray warbaahinta isagoo arimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “ hadaanu nahay Salaadiinta Dhaqanka Somaliland waxaanu keenay wax Qarankan Somaliland u dana ee keena wax waxtar u ah dalka iyo dadka isla markaana ka joojiya beenta iyo borobagaandada waxqabadka hogaanka dhaqanka Somaliland oo hadaanu nahay Hogaanka dhaqanka anagaa dhisnay Dalkan anagaa heshiisiinay Beelaha wada dega anagaa ciidamada iyo dawladaba dhisnay” Dhinaca kale Sul.Xiirey ayaa waxa uu fariin culus u diray Xukuumada iyo Barlamaanka iyo dhamaan Shabiga Reer Soomaaliya Inay ku qancaan go’aankaa ay hogaankooda dhaqanku u gudoomiyeen ee ay ummadda reer Somaliland ku karaameeyeen kuna sharfeen ila markaana ay iyana dhankooda wanaaga iyo walaltinimada ka giijiyaan si ay labadeena dawladood dhaqan iyo bulsho isku kaashaday una wada xaliyaan dhibka baahsan ee hada ku hareeraysan Mandaqada Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey waxa uu sidoo kale Fariin kulul u direy Ururka Qaramada midooobay ,IGAD dhamaan dalalka Dariska la ah Somaliland iyo Guud ahaanba Bulshada Caalamka inay is garabtaan Qadiyada Madaxbaanida Somaliland isla markaana ay ku dhawaaqaan aqoonsi buuxa maadaama oo shuruudii ay ku xidhi jireen awal ee ahayd Walaalihiina Soomaaliya Soo wada hadla ay hada meesha ka baxday Isku soo wada duuboo Aqoonsiga Ummadda reer Somaliland ay u heelanayd mudada 23 sano ah ayaa hada waxa uu u muuqdaa mid kaabiga ina soo saaray maadaama oo ay hogaankii dhaqanka Soomaaliya si ikhtiyaariya intay usoo booqdeen Somaliland kaga dhawaaqeen inay aqoonsadeen WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Xukuumada Oo Iibisay Dhulka Xabaalaha Ee Dugsiga H/dhexe ee 31 May(Ex dhalinta-kacaanka) Iyo Walaaca... Dawladdaha Somaliland iyo Ethiopia Oo Diridhaba Ku Kala Saxeexday Heshiis Dhinacyo Badan+ Qorshihii ... “Wasiir Koore, Shalay Wuxuu Lahaa Ma Aaminsani Somaliland…” Dood Adag Oo Dhex-martay Wasiir Koore Iy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|